Goobweyn
Maqaalkan Waa Agoon!
|
Goobweyn waa deegaan magaalada kismaayo u jirto 15 km dhinaca waqooyi, waxaa mara dhulbaraha caalamka Waxayna Deegaan u tahay Bulshada Noocyadeeda kala duwan sida beeraleey, xoolo dhaqato iyo kalumaysato. Dalagyada dadka beeraleyda ay abuurtaan waxaa kamid ah Masagada, Mooska, cambaha, qumbaha, iyo dalagyo kale oo badan.
Waa deegaan taariikh fog leh waana degaan ku caan baxay waqtigii guumeystaha iyo horaantiiba ka ganacsiga dalaga iyo la xiriirka ganacsi uu lalahaa ajaanibti imaan jirtay soomaaliya kuwaaso ganacsiga kala dhaxeeyay Bulshada ku nooleed degaankaas waxana ka mid ahaa ganacsatadii imaan jirtay ganacsato carab ah iyo hindi.
magaaladani waxay ka mid tahay magaaloyinka ugu qadiimsan jubboyinka. Sidoo kale waxa Mara wabiga juba kaas biyaha ku shuba bada, waxay kaloo caan ku tahay geedaha sida qumbaha. dadka degan goobweyn waa dad is jecel oo qalbi furan, waxa ay leedahay dugsiyada waxbarshada sida kuwa lagu barto Quraanka kariimka, iyo kuwaa maadigaaba sida Dugsi Hoose iyo Dhexe ee Goobweyn oo dhawaan dib udhis lagu samayn doono.
Beel ahaan deegaankaasi waxaa dega beelo badan balse waxa ubadan beesha yabarow sacdi oo kamida beel weynta reer loobage ee sheekhaal[1]
- ↑ ok