Faysal Xaaji Cilmi (noolaa 1969 ilaa 2012) waxa uu ahaa agaasimaha xafiiska ra'iisul wasaaraha soomaaliya, ahna agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada.

Taariikh nololeedka faysal xaaji cilmi wax ka badal

Faysal xaaji cilmi waxa uu dhashay 21 apriil 1969, wuxuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Faysal wuxuu wax ku bartay magaalada dhuusabareeb.Waxaa uu bilaabay quraanka kariimka, taariikhda marka ee eheed 1978, kadib wuxuu galay skoolkii weynaa ee magaalada dhuusamareeb, wuxuu wax ka bartay dugsiga hoose iyo sare ee dhuusamareeb.

Siyaasadda wax ka badal

Faysal xaaji wuxuu xilal badan ka soo qabtay dowladihii soomaaliya soo maray.Wuxuu saaxiib khaas ah la ahaa ama ee isla soo koreen ra'iisul wasaaraha soomaaliya ee cabdi wali maxamed.Taariikhda marka ee eheed 2009 waxaa uu helay shahaadada ama abaalmarinta qofka ugu nabada jecel ee aduunka ahna xildhibaan soomaaliyeed.

Geeridiisa wax ka badal

faysal geeridiisa waxay timid markii uu ka qeybgalay munaasabad loogu dabaaldagaayay tv'ga SNTV oo ku beegneed sanadguuradii 28 markii la aasaasay radiyaha tvga ku hadla codka Dawladda kumeelgaarka.Taas oo ku beegneed 28 oktoobar 2012.Munaasabadaas oo ka dhacday xarunta tiyaatarka qaranka ee magaalada muqdisho.Intii ee munaasabadaas si fiican u bilaaban, waxaa irida hore soo dhaafay, gabar kumiineysneed waxyaabaha qarxa, gabartaas oo la rumeysnaa in ee ka tirsaneed al shabaab ayaa waxay isku qarxisay dadkii ku signaa meesha, waxaana ka mid ahaa dadkii dhaawacmay faysal xaaji oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeybgashay munaasabada.Faysal waxaa uu ka mid ahaa masuuliyiinta sida xun ugu dhaawacmay, waxaana loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada nayroobi ee dalka kenya asaga iyo xildhibaan kale oo la dhoho mawliid macaane. wuxuuna ku geeriyooday isla magaalada nayroobi.