Faysal Cali Waraabe (ku dhashay magaalada Hargaysa 1948) waa Injineer iyo siyaasi reer Somaliland, waana gudoomiyaha xisbiga UCID. Faysal hore wuxu u ahaa agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada howlaha guud ee Somalia . Isu duwahaha wasaarada howlaha guud ee gobolada togdheer iyo ina cali muuse sidoo kale Faysal wuxu soo noqday madixii injineerada ee caasimadii Somalia ee Muqdisho. Ku darsoo Faysal waa asaasaha ahna gudoomiyaha xisbiga Cadaalada iyo Dareelka UCID

Faysal Ali Warabe
فيصل علي ورابي
Leader of UCID
[[ Ambassador to Template:CountryPrefixThe]]
xafiiska la wareegay
2001
ka horeeyayJagada la aasaasay
Faahfaahin shaqsiyadeed
Dhashay1948 (Da'diisu waa 75–76)
Hargeysa, Somaliland
XisbigaUCID
Alma materSomali National University
University of Helsinki

T wax ka badal

Dhalashada iyo Waxbarashadiisi

wuxu ku dhashay magaalada Hargeisa 1948. Waxbarashadiisii hoose / dhexe wuxu ku qaatay Hargeysa. Dugsiga sare wuxu Faysal ku dhameeystay magaalada Borama.

Wuxu waxbarashadii heer jaamacadeed kusoo qaatay dalkii laysku odhan jirey midowga Soofiyeet isagoo ka heysta shahaada M.sc injineernimo ah jamacada Leningrad.

1997-2001 jaamicadda Helsinki ayuu faysal ku bartay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah.

Taariikh nololeedkiisa

1974 ilaa 1976 wuxuu Faysal Cali waraabe ahaa isuduwaha wasaaradda hawlaha guud ee gobollada Baay iyo Bakool.

Sanadihii 1976 ilaa 1981 wuxuu noqday agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda hawlaha guud halka 1981 ilaa 1984 wuxuu noqday faysal madaxii engineerada ee dawladda hoose ee muqdisho.

1984 ilaa 1990 wuxuu faysal cali waraabe ahaa gudoomiyaha sharikad dhisme oo magaceedu ahaa Ayaan .

Faysal Cali waraabe gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID ee Somaliland ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi wuxuu 1994 ilaa 1996 uu afhayeen u ahaa koox aqoonyahanno iyo odayaal ahaa oo qurba jog ahaa oo u soo gurmaday xallinta colaadihii la soo dersay xilligaasi Somaliland.

Sanaddii 2000 wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga mucaaridka ee UCID ee cadaaladda iyo daryeelka oo gudoomiye loo doortay shirweynihiisii ugu horeeyay ee 2001.

faysal Cali waraabe wuxuu yahay hadda murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ee UCID doorashada 13november 2017 isagoo laba jeer oo hore u soo tartamay doorashooyinkii madaxeynaha ee 2003 iyo 2010 oo aanuu ku guuleysan

Noloshiisa gaarka ah

Faysal wuxu kasoo jeedaa beelaha dega somaliland kuwooda ugu waa weyn

Faysal Cali waraabe wuxuu leeyaha xaas iyo sagaal caruur ah oo siddeed wiilal yihiin .

Faysal wuxuu ku hadlaa afafka Ingriisi, carabi , rush iyo finish .