Elman Ali

(Waxaa laga soo toosiyay Elman Ali Ahmed)

Elman Ali Ahmed (Af Soomaali : Cilmi Cali Axmed, Af Carabi : ar‎) wuxuu ahaa ganacsade Soomaaliyeed iyo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada.

Elman Ali Ahmed
علم علي أحمد
File:Elman Ali Ahmed.jpg
Ku dhashaySomalia
Dhimasho9 March 1996
Mogadishu, Somalia
ShaqadaGanacsade, u dhaqdhaqaaqa
XaasaskaFartuun Adan
Ilmaha4: Almass, Ilwad , Ilwad, Gesia

TARIIKH wax ka badal

Taariikh Kooban Ee Elman Ali

Elman Ali Ahmed wuxuu ahaa nin mar kasta jecel horumarka dalkiisa, wuxuu ahaa ganacsade, aqoonyahan iyo dhaqdhaqaaqe dhalinyar mar kastana u heellanaa nabadda iyo bilicda dalkiisa, waxaa lagu xasuustaa Somaliya oo dowlad ah inuu iskiis isku xilqaami jirey iftiiminta caasimadda umadda Somaliyed isagoo ka faa'iideysanaya khibradiisa iyo dukaamadiisii Elman Electronics ayuu maalmaha Ciidda iyo maalmaha xoriyadda nalal ku wada xiri jirey goobaha ugu caansan magaalada si uu ula tartansiiyo caasimadaha caalamka.

Burburki markuu dhacay oo qabiil loo kala baxay, dalkii oo dhana noqday qof iyo qori wuxuu Elman iska diidey inuu ku biiro ama qeyb ka noqdo burburinta dalkiisa iyo dilka dadkiisa, wuxuu soo aruuriyey boqolaal dhalinyaro hubeysan kuna dhiiri geliyey iney dhigaan qoriga oo ay qalinka qaataan.

In badan oo kamid ahaa dhalinyaradii la marin habaabinayey ayuu quluubtooda hantiyey waxeyna iska dhigeen qoryihii iyagoo helay waxbarasho iyo mustaqbal iftiimaya, balse nasiib darro.........

Waxaa la dilay halyeygii iyo geesigii dhexda u xirtey la dagaalanka jahliga iyo qabyaaladda, waxaa lagu dilay magaaladii iyo dalkii uu aduunka ugu jeclaa iskana diiday inuu ka qaxo oo naftiisa la cararo, waxaana cadowgii ku guuleysteen iney damiyaan shumacii iftiimayey, waxaana qax iyo kala haad ku dhacay dhalinyaradii iyo xataa qoyskiisii.

Ilwaad, Iimaan , Almaas iyo Gesia 3 gabdhood ee hore waxay kamid noqday caruurtii loola cararey qurbaha si ay u badbaadaan waxaana dhalay Halyeey Elman, balse ma noqon caruur hilmaantey halkii ay ka yimaadeen mana noqon caruur hareer martey hankii iyo hiilkii aabahood si kastoo loo baqdin geliyey in Muqdisho tahey goobtii ay ku waayeen geesigii dhalay, markii ay wax barteen ayey go'aansadeen iney dib u shidaan shumacii Aabe Elman iyagoo kusoo laabtey dalkooda.

Waxey isku qeybiyeen mid raadisa ama u doodda xuquuqda dhibanaayasha, mid meel kasta oo dunida cirifyadeeda u taagan in dadkeeda iyo dalkeedu dib usoo laabteen iskana iloobeen sanadihii xanuunka badnaa iyo mid ku biirta ciidanka xoogga dalka si ay gacanteeda ugu hiiliso dib u xoreynta dalka iyo dib u yagleelidda ciidan xoogga

Ugu danbaytii walal aan uwada ducayno in uu ilahay u naxariisto elman