Dooro waa xayawaan la cuno. Doorada waa xayawaanka ugu badan adduunka dhinaca faafidda, waxaana u ahaa 2003 24 bilyan, dadka ayaa waxey u isticmaalaan iney cunaan Hilibkooda iyo waliba Ukuntooda. Sidoo kale waxaa la sheegaa in dadka vietnameska ey yihiin dadkii u horreeyey ee dhaqda doorada. Beerahadoorada a ku yaala dunida oo dhan ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ey barbaariyern 70 bilyan oo dooro. Magaceeda guud waa dooro. Odaga waa diiq. Habarta waa dooro. Ukunta marka la fiiqo waxa ey noqotaa jiijiil. Marka laba jir gaarto waa boojaal ama boojaal. Waa isku qoraal labka iyo dheddigga balse dhawaaqa ayaa kala beddalan. Doorada ukunta waxay ku fadhiisataa oo ay huurisaa 21 habeen. Qaarbaa hallaaba oo loo yaqaano af soomaali ahaan fuunto. Doora ada caadiyan waxa ay dhashaa sida badan ukumo gaarayo 12 xabbo. Kaddibna waxay noqotaa uq haddii aana loo dhigin ukun. Dooradaa waa dabjoog. Waxa aan uga faa'iidaysan karnaa hilib ahaan ama ukun ahaan. Soomaaliya aad bay ugu fiican tahay dhaqashada doorada. Ilaa haddase lagama faaiidaysan ishaas oo ah il dhaqaale.

Dooro