Shariif Nuurow Aamin Barkhadle waa Culumaa'udiinka ugu Caansan Soomaaliya, wuxuu ku dhashey Biyooley 1899 kii. wuxuu Quraanka Kariimka Xifdiyey asigoo 10 Sano jir ah, Ka dib wuxuu u Xiriystey Barashada Diinta Islaamka. Markii uu kasoo Aflaxey Barshada Diinta ISlamka, waxaa uu bilaabey in uu Faafiyo Diinta Islamka iyo la dagaalanka Munkarka. Khalwo wakhti dheer qaadatey kadib, Wuxuu aas'aasey Jameecada Rowlo oo Xarun u noqotey fidinta Diinta Islaamka.