Dhamaadka Taariikhda Aduunka

Dhamaadka Taariikhda Aduunka

Waxaa amaan oo dhan iska leh Allahii barbaariyey caalamka ee yiri isagoo tilmaamaya quranka kariimka " Qurankan wuxuu ku hanuuniyaa tan ugu toosnaasho badan , wuxuu ugu bishaareeyaa mu'miniinta wanaagga fala iney leeyihiin abaal marin weyn " Naxariis iyo nabadgelyo rusuulkii Alle kor kiisa ha ahaato ee gaarsiiyay dadka kitaabka rabbigii ee yiri " Waxaa idinku kheer badan kii Quraanka barta dadkana bara " , Intaas kadib :-

Rabbi wuxuu yiri " Waxay ku Warsan Saacadda ( Qiyame ) markay Sugnaan, waxaad Dhahdaa Ogaanshaheedu waa Eebahay Agtiisa, waqtigeeda wax Muujin kara oon Eebe ahayn majiro, waxay ku Cuslaatay Samooyinka iyo Dhulka, waxaan kado ahaynna indiinkuma Timaado, waxay ku warsan Saacadda sidii adigoo Og, waxaad dhahdaa Ogaanshaheedu waa uun Eebe agtiisa Dadka badankiisaase ma Oga . " Suurat Al –Acraaf , Aayadda 187 Juzka 8aad .

Waxaan aragnaa hadal heynta weyn ay khubaradda aduunka tilmaamaan isbaddelka ku imaan doono cimilada aduunka, ay keeni karto inuu aduunka dhaaman rabo, Waxaa la qiyaasayaa in dhamaadka aduunkan uusan noqoneyn mid farxad ku dhamaada, sidaasuna waxey tilmaameysaa cabsida laga qabo cirka, dadka, iyo isu adeegsashada walxaha qarxa .

Wakaalada Nasa hawada sare ee Ameerika waxay sheegtay sanadihii la soo dhaafay inuu aduunka dhamaan doono 2012 . Wakaalada waxay sheektay in dhawaantaan la ogaaday inuu jiro Planet-kii 12aad – Meere - oo horay loo yaqiinay inay quraxda ay ku hareersan yihiin 11 Meere " Planet – كوكب " , Planet-kan oo noqday kii 12aad oo la eg muga quraxda, planet-kan oo magaciisa loo bixiyay Nibiru .

Wakaalada waxay daraasaad ku sameesay planet kan 12aad, inuu leeyahay " Magnetic " Magnetic waa xoog bir-labeed ( bir lab ah ) ama soo jiidasho aad u wayn . waxay kaloo sheegtay inuu planit kan dhibka uu u keeni doono wareega dhuulka sameeyo , uu yahay dhibaato aad u balaaran , lakiinse baaritaan socday shan sano in ka badan ayey ku ogaadeen inuu mari doono planet-ka Nibiru meel ku dhow wareegga dhulka taaso ku aadan qorax kasoo baxa dhulka Aasiya , dayaxaan oo loo arki doono sida adigoo mooda qurax kale inay soo baxday waana sanadka 2012 ka. Meeraha Nibiru waa meere ku wareegaya quraxda, waxay ku qaadataa inuu hal mar qorraxda ku wareegto 4100 sano , marka uu ku wareeganayo mariinkiisa meel u dhow dhulka an ku nool nahay wuxuu ween doonaa awooda soo jiidashada dhulka aan ku nool nahay taasi oo dhalin doonta khal khal ku imaada isku dheelitirnanta dhuulkeena , kaasoo dhalin doona dhuul geriir oo xog badan iyo is badelo kedis ah oo ku yimaada jawiga, taasoo bur burineysa 70 % deegaanka aduunka.

Kani wuxuu ahaa qoraal ay soo saartay wakaalada Nasa ee Hawada Sare .

Ma run baa inuu aduunka dhaamaan doono 31, Dec- 2012 ? Culamada muslimiinta maxay ka yiraahdeen arintaasi ? Sidee u aragtaa filimkii ka hadlayeey dhamaadka aduunka 2012 ?


Runtii waa su'aal meesha ku jirta , Dabcan aduunka wuu dhamaan doonaa , laakiinse sidee buu ku dhamaan . Alle iyo nabi Maxamed (swc ) maxay ka yiraahdeen dhamaandka aduunka. Sidaa darteed waxaan jeclaan lahaa inan ka iraahdo wixii karaan keygi ah , Taasi oo dhali neysa inaan ka soo bilaabo abuurida cirka, sidee buu E-ebe u abuuray cirka iyo samooyinka iyo wax yaabaha keena inuu aduunka dhamaado, maxaa lagu garan karaa inuu aduunka dhamaan rabo oo maxuu ka tilmaamay nabi Maxamed ( swc ). Ugu danbeentii dhamaadka aduunyada waa cilmi Alle la gaar noqday cid ogaan kartaa aysan jirin, wakhtiga aduunka uu dhamaan doono waxay ka mid tahay cilmiga daahsoon, Qiyaamadu markay dhici, Roobku markuu di'i , iyo waxa uurka ku jiraba E-ebaa og, Nafna ma oga waxay mudan beri iyo halka ku dhiman midna 'Eebe un baa og . Rasuulkuna ( Naxariis iyo nabad gelyo 'Eebe korkiisa ha yeelee ) wuxuu yiri " Shan Ilaah unbaa og Saacada Qiyaame Roob kolkuu imaan, Waxa uurka ku jira, Naf waxay mudan wakhtiga soo socda iyo Nafi meelay ku dhiman " waxaa wariyey Bukhaari iyo Axmed . Waxa kalese la sheego waa male iyo war ,, Cilmiga dhabta ahse Eebe agtiisuu jiraa .

Hadaf keygi waa in Alle laga cabsadaa waayo naf waliba goorta ay dhiman doonto ma taqaano qofkii dhintana aduunkiisi wuu dhamaaday Qiyaamadiisuna u bilaabatay ..

Casharka 1aad wuxuu noqon doonaa Abuurida Cirka iyo Dhuulka, Abuurida bani aadam-ka. Inshaa Allah , Wabilaahi Towfiiq .


Waxaa diyaariyey : Cali Sheegoow