Degree (angle)

(Waxaa laga soo toosiyay Degree)

Degree

Xisaab ahaan halbeega degreegu waa cabirka xagal toosan oo u dhiganta 1/360 goobo dhamaystiran. Xagasha 90° waa rubuc goobo dhamaystiran.

Degree (ingiriis: Degree) waa halbeeg leh astaanta (°) oo lagu cabiro qiyaaso ka mid ah xisaabta, juquraafiga, heerkulka iyo sayniska.

Marka xisaabta lagu isticmaalayo degreegu (°) waa qiyaasta xagal toosan (plane angle) oo wuxuu u dhigmaa 1/360 goobo dhamaystiran. Tusaale ahaan xagasha 90° waa rubuc goobo dhamaystiran.

Maadaama wareega goobo dhamaystiran la mid yahay 2π gacmood (radius), hal degree wuxuu la mid yahay π/180 gacan.

Dhinaca kale, juquraafiga dhexdiisa degreega waxaa loo isticmaalaa in lagu calaamadeeyo loolasha, dhigaha iyo saacada. Tusaale ahaan, dhigta 34° galbeed 86° koonfur.

Sidoo kale, marka laga hadlayo heerkulka waxaa la isticmaalaa degree salsiyas (°C) iyo degree kelfin (°K).

Halbeega Degreega wax ka badal