Daarood Ku Xaar
Silsilada la magac baxday Daarood ku xaar ee ka dhacday duleedka Gaashaamo xilli ku aaddan 1943, waxa ay dhex martey Qabilada 1.Habar Yoonis (Gaar ahaan Reer Caynaashe iyo Cali siciid) iyo Majeerteen (Reerbiciidyahan) iyo Geri koombe (Reermaxamuud) iyo mareexaan oo Talyaanigu hub siiyay. Geeli Habar Yoonis oo banka daaqaya ayay dareersadeen xili fiid ah amaba qoraxdu sii dhacaysay markaa Habar Yoonis kama ay daba tagin. Daarood habeenki oo dhan ayay iska haysteen oo maasheen geele oo caanihiisa ka dhergeen. Aroortii ayay nimanki Habar Yoonis weerareen kadib waa la eryadey Daaroodka Ileen caano geel ayay ka dhargeene markii ay cararaaanba ee waranku iyo xabadu ku dhacdo ayaa xaar kasoo daata. Jabka Daarood kasoo gaadhay dagaalkaa iyo calool socodka ku dhacay ayaa sababtay in goobtu ka dhacay dagaalka loo bixiyo Daarood ku Xaar
Cilmi Liig (Habar Yoonis)
Annagoo Dannood iyo fadhina, dacalladii Heeryo
Iyadooy dukaanleey u taal, duudda Habar Yoonis
Iyadoo shir lama dayn karee, damallo loo waabay
Iyadooy dablaydii korjoog, debedda meereyso
Iyaduu dalaysane ratigu, doobta karinaayo
Na soo doonte nimankii qalbigu, doorsanaan jiraye
Intay weerar nagu daadiyeen, daafad loo eriye
Dumarkuna ka dhereg Uustarkay, dib u qubaayeene
Doomaar ka dheer Shiciradday, dir u lahaayeene
Daba jilicdu waatay wax badan, diidday nabaddiiye
Daarood-ku-xaar bay lafii, daadsanyiin weliye.
Darod-ku-xaar
Maxamed Aadan Caws “Yawle”, HY
Gabaygan wuxuu ka mid ahaa silsiladdii Daarood-ku-xaar.
Toorrida kuwii lala dhiciyo teerigii waranka
Kuwii shiihska lagu taagayee jaaha laga toogtay
Tusbax go’ay sidiisii kuwii tarabka loo laayey
Tafaariiqda nimankii guryaha lagu tadcaaraayey
Toddobaatan iyo dhawr kalaan teella loo dhigane
Waa tii ay tasoobeen sidii tiradi xoolaaye
Tumbushooda waatii la dhigay teedki Gumarroode
Daaroodka lagu taamayaa tacaddi weeyaane
Toddobaatan Geeliyo ninkii tira laxaad dhiibey
oo midab Tiriigleey arkoo tahan ku faallooday
Oo Guga aroos loo turqiyo tanafas eegaayey
oo xaajadiisii tognayd wiil ka kala tuuray
Oo gabayga loo tirinayaa tacaddi weeyaane
Quruumaha tartamayee u kacay tab iyo leexleexa
Nin waliba wixii uu tabcaday taw la soo yidhiye
Tumaal buu ahaa Muuse Dhiil taajna loo xidhaye
Waatay dhammaan taabaceen tala-xumaaliiye
Talyaaniga Triipoli haddii maalin laga taabay
Tagoogada waxaa looga xidhay tacaddi weeyaane
Tanac-tanacdu waa inan-gumeed tamaradiisiiye
Tol haddii u lee yahay waxbay tari lahaayeene
Marna haddanu dhawr tooganayn tookha haw miyine?
Tiiraanyadiisa ha qabo ee ha u tiraabina’e
Hana toosin waa gama’sanyay tuugga Habarwaaye
Maxamed Kaahin Feedhoole, (HY)
Gabaygani wuxu ka mid yahay silsiladda la magac baxday “Daarood ku Xaar”.
Wuxu yidhi Maxamed Alla naxariistii janno ha siiyee;
Gugoo hooray geeloo dhaloo gubadadaa jooga
Degmada Gundheereiyo fadhida gumucyadii Heeryo
Iyadoo gudguda roob, halkii godanba uu buuxshay
Gidiigeedba Habar Yoonisoo gaafka wada joogta
Guutooyin idil beeshayada galiye Daaroode
Ku ga’leedhe siday doonayaan, guri dagoodiiye
Goodeey raggii maali jiray gurayey dhowr qaadye
Waa niman ilaahay ku gubay gaajo iyo oone
Iyadoo Guhaaday, afkii lagu gujaynaayo
Gabagabaha meeshii la dhigay la isku soo gaadhye
Gadhka layska saar keenadaan lala gabboonayne
Gildhigaan intii loo rakibay gaag yar laga reebye
Goonyaha ka kace waa qabiil go’aya maantaase
Gal xareeda dhiigii la mood galay jidhaamaaye
Geerida xaq weeye ninkii go’ayna loo aarye
Habar Yoonis geeleedu noqoy garay dhunkaaleede
Waatii Biciidyahan ku go’ay Gumare maantiiye
Car ha galo Galaadi iyo Hawd kor uga sii guurye