Category talk:Sharci
o Dhugmo 05-9-17 Dharbaa xidholeh diinbaa dhigmaleh dhaxal awawbaaleh Hiddaa dhaqanleh geel baa dhalyaleh dhaqasho maal maal baa leh Dhulbaa doogleh dhagax baa ad adag dhalac cadceed baaleh Dhirbaa ubax leh nabad baa dhitaleh dhawro gacal baa leh Dheg baa maqaleh caana dhanyaleh aragna dhayaaleh Cirbaa dhooleh roobaa dhibcaleh dhedo diraac baaleh Ban baa dhaxaleh dheel ba qabaw dheelmad socod baaleh Dhiiliyo iyo colaad iyo dhufays dhiciya geel baaleh Dhafoor gaalo laga toogto iyo dheef xoriyad baa leh Dhanqalaan haraad loo dhintiyo dhamac kaliil baaleh Dheg xumaan dhulkaagoo ninkale kugu dhirbaxaaleh Dhaaroof la,aan ceebta aan laga dhergayn baaleh Dhalinyarada soomaaliyey dhimey warkeeniiye Inkastay murtidu dhaabadiyo dhuuxa toganayso Mar hadaan qabiil lagu dhadhabin uma dheg taagtaane Hadba waxaan la dheelimanayaa dhiifta aan qabo e Bal i dhaada meel durugsan baan dheehda leeyahaye Waa qaylo dhaan maansadaan kor ugu dheeraane Aduun waaka dhimo ama xarago ugu xedh noolaw e Xaquna waa ku sii dhiiranaw ay dhab kaa tahaye Waxkaloo la dhool dhooliyaa wayska dhalan teede Dhalaan lumistu daad maaha iyo badiyo dhiijaane Dhacdo waliba dheef waxay lahayd baad dhadhamisaaye Dhiiladu dharaarahan dambay tii wax dheer tahaye In muwaadin gaalloo dhidbiyo cadaw in loo dhoofsho Inkastay hurrow waac tahay dhimirka naafaysay Waxka dhumuc sareeyaa jiran weli la dhaadayne Waxka dhigan dhabtii hooyo oo laysku dhibayaaye Waxka dhigan dhulkeenoo tigray looga dheelmado e Waxka dhigan dhiciisii horo lagu dhibaadshaaye Dhudhubaha qarsoon waa horay dhab u tijaabsheene Xuushanada markii laba dhardhaar midiba dheer taabto Midna uu dhakalada soo socday dhab u dareen taaye Lagu dhacan hadii aan xaqiiq looga dhiidhiyine Mar hadaan dhismaha dawladnimo laga dhabaynaynin Oo aan midnimo laa dhan yahay dhidibka loo taagin Dhito maleh qabyaaladi horaa loogu dhiidh yadaye Dhabrasey inaan wada galaa waa dharaar sugane Waxaa loo dhutinayaana waa dhiiga iibsada e Dhuda qori-cad dhahar iyo wardheer dhoodi iyo faafan Dhagaxbuur hargaysiyo ilaa dhudaha boosaaso Dhakaalkii kismaayiyo sanaag dhabarka buuhoodle Dhuyi-xuunsho dheentiyo afmadaw tan iyo buur-dhuubo Dhooba wayn ilaa dhuuda iyo dhabiga mooyaale Inta gaaska laga soo dhuriyo dheemantiyo luulka Bada dhereran wabiyada dhuldhulin maadha dhacadiida Waa dhaxal awaw iyo waxaan cidi dhamay nayne Hadaanse dhuraha laga joojin iyo gaalka lagu dhuunyo Ama koranka iyo rareyga dhacay qoofal lagu dhuujin Oo aan dhurwaagani ka tegin dhacantay maan deeq
By jaama cali (jaamac yare)