Taariikh kooban oo kusaab san CALI CAFIIF WAA KUMA CALI FIQI-CUMAR ( cali cafiif )? قال الله تعالى:{يا أيها الناس إنا خلقناكم من ذكر وأنثى وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا} (الحجرات:13). marka hore waa wax Alle swt looga mahad celiyo in ay maanta wadaagaan talo iyo tacaba tolkan kala baahsanaa abid. inta aynaan u galin Allaha unaxairiisto Aabeheen Sh/ Cali Cafiif bal aynu is dul_taagno ubadkii uu dhalay Fiqi-camar Sida ay xaqiijiyeen aqoonyahanada REER FIQI CUMAR, Kutubo dhawr ahaa ayaa lagaga hadlay, Awlaadii sheekha. Sida kitaabka Narsul'muminiin ee qoray, "Qudubi". hadaba Maxaa La hubbaa maxaase Hadoodila(Male ah)? Cilmi baadhista ugu saxan ee la hubaa Waxay ku soo Koobatay ubadkii Fiqi-Cumar 9 Oday. balse Wali dadka qaar ayaa waxay ku doodayaan in inta la hayaa kali ah ay yihiin shan oday'. 1) Cali Fiqi-cumar(Cali Cafiif) Curadkii 2) Axamed Fiqi Cumar(Loo boge) 3) Qudub Fiqi-cumar (Aw qudub) 4) Cismaan Fiqi-cumar ( Gandarshe). 5) Reerow Xasan (Xasan Fiqi Cumar) Yaa Ucaruur dhashay oo uu guursaday Al-Faqih Cumar Ar rida? Sheekha waxa uu guursaday oo u caruur dhashay gabartii udhalay Shaykh Sharif Yussuf Al Kawnayn Al hassani, waxaana la oran jirey Fatuma Mahdiyo Rabbi dhamaan ha unaxariistee, Sheekh Xassan ama reeroow xasan waxaa dhashay islaan ku abtirsata Beesha Facaaye Sade ee Daarood Halka eey cusmaan fiqi cumar Waxaa dhashay islaan xadramiyah ah oo Rer Yemen ah Hadaba waxaa jira Rag dhowr ah oo uu dhalay Sh/ Cali Cafiif, isla markaana dadka aan aqoonta u lahayn Faraca iyo difiirta sheekha ay Si qaldan u faafiyaan Guud ahaan abtirka beesha, marka aad Wax qori Waxaa la iska Xaqiijiyaa Waxa aad qori. Ubadka Sheekha Iyo Sida ay u kala Deegaan duwanyihiin Waxaad kaga bogan kartaa, qormadan qaybteeda dhexe. UBADKII SHEEKHA CALI FIQI CUMAR IYO DEEGAANADA EEY DEGAN YAHIIN ? Halkee ayuu ku aasanyahy aasanyahay sheikh cali fiqi cumar ? Awowo Sheikh cali cafiif ( cali fiqi Cumar): wuxuu ku aasan yahay Gobolka faafan Gaar ahaan meel u dhawo Demada "Gursim"(Bambaas). Dadka uu dhalay sheekhu waxay u badan yihiin soomaali iyo Ethiopian, Magaalooyinka ay sida xooga badan u daganyihiin waxaa ka mid ah " Gobolka Afdheer, Gobolka Liibaan, ismaamulka Diri-dhaba, Magaalda Herar, Baabili, Tuli-guuled, Jinacsane, Gobolka Nogob, jigjiga iyo Bombaas ah Degmada uu ku saanayahay " Awoowe Sheekh cali Cafiif waana mida kali ah ee ay maanta si rasmi ah u dagantahay beeshan Cali cafiif.. sida la sheego sheekhu wuxuu dhalay toban iyo Labo nin (12). labo toban kaas midiba meel ayuu ku beermay, maadaama ay ahaayeen dad diinta faafiya, ma ay yeelan labo nin oo meel wada dagta. Waxaa maanta Si Rasmi ah loo aqoonsanyahay 8 kamid ah. 10 kamid ah waxay kala yihiin.

1) Maxamed sheikh Cali Cafiif : waxay Dagaan Ethiopia, Somalia iyo jabuuti, waxayna u badan yihiin Gobolka faafan, gaar ahaan Degmada Gursim oo ah meesha uu ku aasan yahay Awowe sh/Cali iyo dhinacyada Toga Booraale.

2) Sheikh muuse sheikh Cali Cafiif (Wara-Sanyo) waxay u badan yihiin; Dalka ethiopia, Bombaas, liibaan, afdheer Tulli-guileed Jinacsani, Herar iyo iwm.

3) Sheikh Dheeweed sheikh Cali cafiif waxay dagaan somalia Ethiopia iyo soolmaaliya waxay u badan yihiin Gobolka nogob gaar ahaan degmooyinka sagag iyo dhagax madow.

4) Axmed sheikh Cali cafiif ( sheekhaal adeer) waxaa loogayaqaan magacaas koonfurta somalia Waxay dagaan Somlia koonfurta iyo Badhtahama.

5) Cabid sheikh Cali cafiif (waxaa loo yaqaanaa sheikhaal cabdi sheikh) sh/axmed Waxay u badan yihii; somalia gaar haan Nawaaxiga iyo gudaha Kismaayo, ilaa iyo koonfura somalia. waxaana deegaankaas looga yaqaanaa sheekhaal cabdi sheekh.

6) Adar Sh cali cafiif :Waxaa eey ubadan yahiin galbeedka .

7) Ayuub Sh cali cafiif waxaa eey ubadan yahiin galbeed .

8) cabdiraxmaan sheikh cali cafiif (waxaana looyaqaanaa macalin dhiblaawe ) waxaa eey ubadan yahiin koofurta soomalia. 9.jiido Ali Waxaa aay Degaan Shabeelada Hoose

xuquuqda qoraalka :Bogga Arimaha Laxiriira Beesha Sheikhaal Cali-Cafiif Fiqi-Omar