Cabitaan (carabi: مشروب taliyaani: bevanda ingiriis: drink) waa dareere dhadhan macaan, dhanaan, qadhaadh ama dhexdhexaad ah leh oo qabow ama kulul oo dadku cabaan.

Waxa jira noocyo badan oo cabitaanka ah, kuwaas oo lagu kala sooco darajada heerkulkooda, sida qaboow iyo kuleyl. Waxaa ka mid ah cabitaanka kulul: shaah, koofiga iwm.

Dhanka kale, cabitaanka qaboow waxaa la mid ah: Koka-kolada, khudaarta shiidan iwm.