Cabdulqaadir Maxamed cabdullaahi

Aasaasihii jaamacadda bariga afrika

C/qaadir Maxamed C/llaahi Samatar oo ah Sheekh Soomaaliyeed, waa aas-aasaha Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya, waxa uu shahaado phd ku saanbsan ictiqaadka ka qaatay Jaamacadda Umm Al-Qura oo ku taalla Makkah al mukarramah , ee dalka sucuudi carabiya [1] .

cabdulqaadir Maxamed cabdullaahi Samantar
Ku dhashay1949
Gaalkacyo, Soomaaliya
Dhimasho2009
jabuuti
Sababta dhimashadaBeer Qolofoow
DhalshoSoomaali
NaaneesGarre
WaxbarashadaPhd. jaamacada umul quraa
ShaqadaMaamulaha jaamacada Bariga Afrika
Sanadaha Shaqada1999 - 2008
StyleSheekh
DiintaIslam

Dhalashadiisii iyo Yaraantiisii wax ka badal

Wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya sanadkii 1949-kii, wuxuuna ku noolaa Dagmada Eyl ee gobolka Nugaal, kadib wuxuu u guuray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo lix iyo toban jir ah dugsiga hoose dhexe wuxuu ku qaatay, dugsiga hoose dhexe ee xamar, ka dibna wuxuu ka baxay mahadka kalkaalinta caafimaadka, wakhti koobanna wuxuu ku shaqeeyay kalkaaliyanimo, Dugsiga sare ee 15may ayuu 1974kii ka qalanjabiyay, wuxuuna ka mid ahaa dhallinyaradii xilli hore la jaanqaadday saxwada islaamiga ah, wuxuuna 1976kii u baxdsaday dhinaca Kenya ka dib markii kacaanku olole xirxirid ah ku qaaday dhallinyaradii dacwada. [2]

noloshiisa waxbarasho wax ka badal

  • wuxuu arday ka noqday 1977kii jaamacadda umulquraa , gaar ahaan kulliyadda shreecada qeybteeda dacwada, diraasaadkiisii sare wuxuu ku dhammeystay isla jaamacadda ummulquraa ilaa uu ka qaatay shahaadaha diktooraada(PHD) wuxuuna ku takahasusay cilmiga caqiidada. [3]
  • wuxuu Master ka qaatay jaamacadda umulquraa sanadkii 1989
  • wuxuu phd ka qaatay isla jaamacadda sanadkii 1998

Qoraaladiisa wax ka badal

  • موقف شيخ الإسلام ابن تيمية من الكرامية في الإلهيات[4] - رسالة ماجستير بإشراف الدكتور علي بن نفيع العلياني
  • الانحرافات العقدية في المجتمع الصومالي[5] - رسالة الدكتوراة بإشراف الدكتور علي بن نفيع العلياني
 
Mawqifka uu Sheekh Al-Islaam Ibnu Taymiyah ka taagan yahay Karaamiyaha Dhanka sifaatka eebe

Jaamacadda Bariga Afrika wax ka badal

1999 -kii Dr.Cabdulqaadir Muxamed Cabdullaahi waxa uu u wareegay magaalada Boosaaso ee dalka Soomaaliya halkaas oo uu ka aas aasay Jaamacadda Bariga Afrika oo ay culimo badan oo uu ka midyayhay ay qeyb ka ahaayeen aasaaska jaamacada, waxaana uu xilka guddoomiyaha Jaamacadda ka hayay ilaa 2008-dii sidoo kalena wuxuu ka ahaa jaamacada macallin . [6]

xanuunkiisa iyo dhimashadiisa wax ka badal

Waxa uu xanuunkan la ildarnaa sanadihii ugu dambeeyay noloshiisa, waxaana lagu sameeyay qaliino badan, waxaana xanuunkan uu aad ugu xumaaday sanadkii 2009-kii, arrinkaasoo keenay in loo qaado Boqortooyada Sacuudiga, balse dhakhaariirtu dheheen waxba lagama qaban karo kadib markii laga helay beer qolofoow . waxayna Dhakhaatiirtu codsadeen in loo qaado dalka Jarmalka, hase ahaatee asagoo ku hakkaday dalka jabuuti ayuu ku geeryooday 18/10/2009 . [7]

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2023-02-20. Soo qaatay 2023-02-20.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2023-02-19. Soo qaatay 2023-02-20.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. https://www.somaliaonline.com/community/topic/45037-on-sheekh-cqaadir-maxamed-cllaahi-garre/
  4. https://ketabpedia.com/%D8%AA%D8%AD%D9%85%D9%8A%D9%84/%D9%85%D9%88%D9%82%D9%81-%D8%B4%D9%8A%D8%AE-%D8%A7%D9%84%D8%A5%D8%B3%D9%84%D8%A7%D9%85-%D8%A7%D8%A8%D9%86-%D8%AA%D9%8A%D9%85%D9%8A%D8%A9-%D9%85%D9%86-%D8%A7%D9%84%D9%83%D8%B1%D8%A7%D9%85%D9%8A%D8%A9/
  5. https://dorar.uqu.edu.sa//uquui/handle/20.500.12248/121554[dead link]
  6. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2023-02-20. Soo qaatay 2023-02-20.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  7. https://arabicpost.net/%D8%AB%D9%82%D8%A7%D9%81%D8%A9/2015/12/28/%D8%AA%D9%88%D8%A7%D8%B6%D8%B9-%D9%85%D8%AB%D9%82%D9%81/