Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Siyaasi

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu ku dhashay magaalada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan 1968-dii . Waa siyaasi Soomaali ah, wuxuu siyaasadda kasoo galay dhanka Mucaaradnimada oo wuxuu ka tirsanaa isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale laba mar soo noqday musharrax Madaxweyne, wuxuuna guddoomiye u yahay xisbiga Wadajir. [1]

Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Hogaamiyaha Xisibiga Wadajir
[[ Ambassador to Template:CountryPrefixThe]]
xafiiska la wareegay
2015
Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya
[[ Ambassador to Template:CountryPrefixThe]]
Xafiiska
2009–01/2010
Faahfaahin shaqsiyadeed
Dhashay (1968-12-12) 12 Diseembar 1968 ( 55jir)[xigasho u-baahan]
Dhusamareb, Galgaduud, Soomaaliya
DhalashoSoomaali, Ingiriis
XisbigaWadajir Party
Alma materJaamaca Caalamiga ee Afrika Jaamaca qaranka ee Malaysia

Waa masuulka keliya ee kasoo jeeda koonfurta somaaliya Waa nin wadanka jacel

Noloshiisa iyo Waxbarashadiisa wax ka badal

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu ku dhashay magaalada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan, dhammaadkii lixdameeyadii. Wuxuu waxbarashadiisa dugsiga hoose, dhexe iyo sare kusoo qaatay isla magaaladaas, wuxuu shahaadada Bachelor of Law ka qaatay Jaamacadda International University of Africa ee magaalada Khartuum ee dalka Suudaan sanaddii 1997. Wuxuu shahaadada Master of Laws ka qaatay Jaamacadda National University of Malaysia sanaddii 2002. Wuxuu sidoo kale koorasyo dhowr ah oo ku saabsan qorsheynta, hogaaminta, Nabad ka shaqeynta iyo strategic relations ka qaatay Machadka Hogaaminta iyo Maamulka ee London (Leadership and Management) Waxaa lagu xasuustaa kaalintii oo ka qaatay shirkii dib u hishiisiinta oo ka dhacay dalka oo xubin muhiim ah ka ahaaa isla xiligaas waxa oo noqday mudane barlamaanka iyo waziirka qorshaynta iyo xariirka caalamiga Cabdiraxmaan cabdishakuur waxa oo lataliye usoo noqday madaxweyne xasan sheikh mohamud Waxa oo noqday musharax madaxweyne doorashadii dhacday 2016/17 hadana waxa oo u taaganyahay doorashada soo socoto oo la filaayo in ay dhacdo horanta 2021 Waa siyaasi magac iyo miisaan ku dhex leh bulshada soomaaliyed Bishii Maajo 2022, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraa: abshir hussein mohamed (abshir baari)

Xigoshada wax ka badal