Magaca oo dhameystiran: Cabdimajiid Sheekh Aadan

Naanees: Majka

Goobta Dhalasho: Suftu, Soomali Galbeed, Itoobiya.

Taariikhda Dhalasho: 06/juun/1996

Heerka Waxbarasho: kuguda jidha master ama heerka labbaad

Shakhada: Macalin, Jaamacadda Qabridehar

Goobta Shakhada: Qabridehar, Itoobiya.

Cabdimajiid Sheekh Aadan (Majka) waa macalin iyo arday soomaliyeed oo kunool kuna barbaaray waxna kadhigta kana shaqeeya soomali galbeed, itoobiya. Cabdimajiid wuxuu kudhashay kuna barbaaray magaalada barakeysan ee Suftu (Sacuudi Yareey), haalkasi oo waxbarashadiisa heerka dugsiga hoose ilaa sarre kusoo qaatay. Kadib markuu dhameeyay waxbarashada dugsiga sarre wuxuu ku biiray jaamacadda Mekelle University halkaaasi oo ka diyaariyay waxbarashada heerka koowaad ee loo yaqaaano digriiga kuna diyaariyay culuumta Hormarinta Reer Miyiga iyo Adeegyada Beeraha. Kadib markuu dhameystay waxbarashadiisa heerka koowaad ee jamacadda wuxuu nasiib u helay inuu kubiiro jaamacadda labbaad ee deeganka soomalida, Qabridehar University kadib markii uu dhaafay ama ka gudbay imtixaanka iyo sharuudihii shaqadda. Kadib markuu mudo kudhow sanad u shaqeeyay jaamacadda wuxuu markale nasiib u helay inuu siiwato waxbarashadiisa isagoo markan helay fursada uu ku diyaariyo waxbarasha heerka labbaad ee Masterka loo yaqaano. Waxayna wazaaaradda tacliinta Sarre ku qortay jaamacadda Gondar ee deegaanka Amxaarada halkaas oo uu ka diyaariyo takhasuska ah Habnoolaleedka Reer Miyiga iyo Sugnaanta Cuntadda kadib markuu sidookale dhaafay ama ka gudbay imtixaankii Jaamacadda ee xulashada ardayda sanadka cusub. Halkaasi ayuuna hadda ku guda jidhaa fasal waxbarasheedkaa qeybtiisa koowaad.