Cabdikariin Qaarey
Cabdikariin Faarax Qaarey, oo ku magac dheer Jiir waa mid ka mid ah [1]mulaxamiistayaasha Soomaaliyeed.
60 heesood oo ka mid ah heesihii uu laxanka u sameeyay Cabdikariin F. Qaarey Jiir, oo kamid ahaa hormuudkii laxan yaqaankii Soomaalida.[2]
1.Heesta "Sabab kale ha moodine"
Ereyada: Maxammed Cali kaariye
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Hibo-Nuura
2.Heesta "Rako"
Ereyada: Maxammed Cali kaariye
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Hibo-nuura
3. Heesta "Laalays"
Ereyada: Xasan Sh Muumin
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Hibo Nuura
4.Heesta "Haye fudud"
Ereyada: Xasan Sh Muumin
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
5.Heesta "Soo noqo adoo nabad ah"
Ereyada: MaxammuudTukaale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Hibo-nuura
6.Heeeta. "Kaftan"
Ereyada: Yuusuf A. Allaale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Hibo-nuura
7.Heesta "Taladaan qorshaynaayey"
Ereyada: Maxammuud Tukaale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Hibo-nuura
8.Heesta "Ruuneey Walaaleey"
Ereyada: Maxammuud Tukaale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Talantaali: Hibo-nuura, Saado Cali, iyo Qamar C. Harawo
9.Heesta "Dhoof caashaq"
Ereyada: Maxammed Cali Kaariye
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
10.Heesta "Siraadeey"
Ereyada: Ciise Geney
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
11.Heesta "Maskaxdii dunidoo malaasan"
Ereyada: Xasan Sh Muumin
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
12. Heesta "Baladweyn"
Ereyada: Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
13.Heesta "Guuleed ma joogaa"
Ereyada: Yamyam
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
14.Heesta "Jacaylkaa dhiggiisoo"
Ereyada: Ciise Genay
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
15.Heesta "Ceel-barde"
Ereyada: Ciise Ganey
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xasan Aadan Samatar
16.Heesta "Jacayl dhiig malagu qoray"
Ereyada" Maxammed W. Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xaliimo Khaliif Magool
17.Heesta "Haygu dhaafin arramida"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xaliimo Khaliif Magool
18.Heesta "Shinbiryahow ma duushaa"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xaliimo Khaliif Magool
19.Heesta "Hay halaynin"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xaliimo Khaliif Magool
20.Heesta "Ma samraa ma seexdaa"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xaliimo Khaliif Magool
20.Heesta "Lama arag lamana maqal"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Xaliimo Khaliif Magool
21.Heesta "Ceel walwaaleed"
Ereyada: Maxamned I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle
22.Heesta "Qabyo waa halkeedii"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle
23.Heesta "Amal"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle
24.Heesta "Beeraha"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle
25.Heesta "Dusha Timaha guudkee"
Ereyada: Cabdiqaadir X. Yamyam
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Cumar Nuur Cabdulle
26.Heesta "Daalo aragtideedaay"
Ereyada: Cabdiqaadir X. Yamyam
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Cabdalle Y. Hanuuniye
Heesta "Samirkii ayuub"
Ereyada: Cabdiqaadir X. Yamyam
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Cabdalle Y. Hanuuniye
28.Heesta "Isdabooli maayaan"
Ereyada: Xasan-Ganey
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Saynab Cige Maxammed
29.Heesta "Liibaan"
Ereyada: Cabdi Cali Weyd
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Farxiya Cali Faarax
30.Heesta "Qoomameeyo Jacayl"
Ereyada: Cali Diire (Cali-gaab)
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Marwo Maxammed (Gaasira)
31.Heesta "Kii dhaga adaygee"
Ereyada: Maxammed A. Dacar
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
32.Heesta "Caruurta hay"
Ereyada: Xasan Bidaar
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
33.Heesta "Ma ruuxqan kula dhigaa jira"
Ereyada: Baashe Jaamac
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
34.Heesta "Goormaad aqalgalaynaa"
Ereyada: Baashe Jaamac
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
35.Heesta "Ila tali"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Cabdillaahi Sulfa
36.Heesta "Araweelo"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Cabdillaahi Sulfa
37.Heesta "Ergadii furqaan"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqdii: Cabdillaahi Sulfa
38.Heesta "Waayeel dadow"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maxammed Mooge
39.Heesta "Waadiga dugsiyada"
Ereyada: Xasan Sh Muumin
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maxammed Mooge
40.Heesta "Laygu soo korodh"
Ereyada: Maxammed Cali Kaariye
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maryan Mursal Ciise
41.Heesta "Adaa beeray jacaylka"
Ereyada: Yuusuf A. Allale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maryan Mursal Ciise
42.Heesta "Saddex cadaw ayaa jiray"
Ereyada: Maxammuuf Tukaale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maryan Mursal Ciise
43.Heesta "Ballantii aan dhiganaba"
Ereyada: Maxammuud Tukaale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maryan Mursal Ciise
44.Heesta "Jubba"
Ereyada: Axmed Ismaaciil Xudaydi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maryan Mursal Ciise
45.Heesta "Axaddii"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Axmed Cawed Rabsho
46.Heesta "Dadka reer Afgooye"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Axmed Cawed Rabsho
47.Heesta "Bilaneey walaal"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Talantaali: Axmed C. Rabsho iyo Hibo-nuura
48.Heesta "Aakhiro siday noqon"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Axmed Cawed Rabsho
49.Heesta "Naftu doqonsanaa"
Ereyada: Maxammuud Tukaale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Cabdinaasir M. Siciid
50.Heesta "Aan is waayin naga yeel"
Ereyada: Maxammuud Tukaale
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Talantaali: Cabdinaasir M. Siciid iyo Hibo-nuura
51.Heesta "Gudcur aan caddaba jirin"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Shankaroon Axmed Sagal
52.Heesta "Way dagatay maantee"
Ereyada: Maxammed Nuur Shareeco
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maxammed S. Tubeec
53.Heesta "Hud-hud"
Ereyada: Maxammed I.W Hadraawi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maxammed S. Tubeec
54.Heesta "Sumalow darbane"
Ereyada: Axmed Aw Geeddi
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Ubax Fahmo iyo Sahra Ilays
56.Heesta "Iska jooji caashaqa"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Cabdikariin Cabdikariin Qaarey
Luuqda: Maxammed G. Afmareer
57.Heesta "Haddaan kuu arriminlaa"
Ereyada: Cali Seenyo
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Guulane Karoone
58.Heesta "Gashaanti"
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Maxammed G Afmareer
59.Heesta "Ma karaan badbaadiye"
Ereyada: Cabdicasiis Dakhare
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Cabdiqaadir Bagaag
60.Heesta "Ayaamaha"
Ereyada: Ciise Genay
Laxanka: Cabdikariin Jiir Qaarey
Luuqda: Faadumo Cabdillaahi Maandeeq
Soo qor heesaha aad ugu jeceshay heesha uu laxameeyey
Qoraa; Kablallax Dhagacadde
xigasho. mohamed Abdi xirsi
Taariikh nololeed
wax ka badalLaxamiiste Cabdikariin Faarax Qaarey oo ku magacdheer Cabdikariin Jiir waxa uu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1943dii. Hobyo ayuu ku soo barbaaray, kuna soo qaatay dugsi hoose iyo dhexe. Barbaarkiisa iyo waxbarashadiisa waxaa u garab-socday hibo faneed, wuxuuna yaraantiisii heellada ka qaadi jiray xafladaha iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.
Sanadkii 1960kii oo ay Soomaaliya xurriyadda qaadatay ayuu Muqdisho soo galay. "Aniga oo yar ayaan Hobyo ka heesi jiray. Qof iga cod fiican in uu jiro uma maleyn jirin. Muqdisho ayaan imid aniga oo jaceyl xooggan u qaba fanka. Idaacaddii Radio Muqdisho ayaa tartan faneed laga iclaamiyay sanadkii 1963dii. In aan ka qeybgalo ayaan go'aansaday. Faadumo Daleys ayaa i gaysay Radio Muqdisho. Heello Layaab la yiraahdo ayaan soo duubay. Subixii ayaa heesaha la duubi jiray, galabkiina waa la soo deyn jiray. Galabtii ayaan timajare u tegay. 05:00pm ayaa waxaa Radio Muqdisho ka soo gashay heelladeydii. Anigu markaas waan faraxsanahay oo waxaan is leeyahay ku raaxeyso codkaada. Markii heestii billaabatay ayaa waxaa caay igu billaabay ninkii timaha ii jarayay. Ninku ma oga in aan aniga ahay, ee qofkaas heesaya ayuu caayay. Waan yaabay oo waxaan is iri oo meel kasta ma sidaas ayaa lagaaga caynayaa?
Markaas ayaan go'aan ku gaaray in aanan dib dambe ha u heesin. Waxaana ku fikiray in aan codkeygii xumaa cod macaan ku sameeyo, oo aan laxamiiste noqdo. 6 sano ayayna igu qaadatay in aan laxan sameeyo." Cabdikariin Jiir
Barashada codka iyo laxanka ayuu baadigoobay. Sanakii 1968dii ayuu laxameeyay heeskii ugu horreeyay. Waa heesta Sabab kake ee loo yaqaanno Hiba Nuura, balse uu markii ugu horreysay qaaday Maxamed Mooge.
xiligii oo fanka soo galay
wax ka badalCabdikariin wuxuu si rasmi ah fanka ugu biiray sanadka markuu ahaa 1962 oo uu noqday mid ka shaqeeya Radio Muqdisho, muddo dheer kadib ayuu wuxuu u badashay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta qaybta suugaanta, halkaas uu muddo ka shaqeynaayey.
mulaxamiistuhu markii ay ahayd sanadku 1969 kii ayaa wuxuu jeclaaday ooradiisa oo waagaas uu isaga hor jeclaaday, kadib ayuu isku dayey in uu hees u sameeyo. Abwaan maxamed cali kaaariye oo ahaa dhakhtar jaceyl u tagay una sheegtay jacelkiisa kadibna abwaanku u sameeyey heesta magaceeda la dhaho sabab kale ha moodin. wuxuu isku dayey Mulaxamiiste jiir in uu mulaxamiistayaasha jira u geeyo kadib mashquul badan uu ka dareemay ayuu mulaxamiista jiir inta uu qol isku soo xirey isku dayey in uu laxanka saaro, heesta kadib bulshadii soomaaliyeed ayaa aad uga heshay heesta sidaas ayeyna ku gashay heesta heesaha hirgalay.
- ↑ https://radioergo.org/2018/06/17/maxay-ku-qaadatay-cabdikariin-faarax-qaarey-barashada-iyo-sameynta-mulaxamka/. Maqan ama ebar
|title=
(caawin) - ↑ Wuxuu ahaa mar la arag soo maray Somali wuxuu ahaa hiboole wuxuu ahaa quruxdii macnihii macaankii malabkii fanka somaliyed wuxuu ahaa mucjiso wuxuu ahaa nin ilaahay siiyay afgaabni qadarin ixtiraam akhlaaq dabeecad wanaagsan miskiin ah oo muumina wuxuu ahaa Nin wax badan kusoo kordhiyay sooyaalka somalida ,mahadsanid abdkariim ,alle hakuu naxariisto adeer macaan janatul fardawsa ayaan kuu rajaynayaa ,NABAD GALYO