Cabdi Xasan Buuni (Af Ingiriis : Abdi Hassan Buuni; Af Carabi : ar‎) wuxuu ahaa siyaasi, markii dambe wasiir iyo Ra'iisul wasaare ku xigeenkii ugu horeeyay ee Dowladii Soomaaliya. Mudane Buuni wuxuu xubin ka ahaa Xisbigii Midowga Soomaaliweyn (USP), wuxuu siyaasada soo bilaabey wakhtigii gumeystihii Ingiriisku ka talinayay gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee maanta loo yaqaaano Somaliland.[1]

Cabdi Xasan Buuni
عبدي حسن بوني نور
Ku dhashayBadhtamihii 1943
Jirjir, Awdal, British Somaliland
DhimashoOktober 2006
Hargeysa
Ku aasanFaaraxyood, Boorama
DhalashoSoomaali
Xisbiga siyaasadeedXisbigii Midowga Soomaaliweyn (USP)
DiintaIslaam
Ilmaha5 caruur ah

Hordhac

Cabdi Xasan Buuni wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa gobolka waqooyi galbeed ee Awdal; wuxuuna heyb ahaan ka soo jeedaa Beesha Xeebjire, Habarcafaan, Gadabuursi. Cabdi Xasan wuxuu ku dhashay deegaanka Jirjir wakhti lagu qiyaaso badhtamihii sanadkii 1943kii. Wuxuu waxbarashada hoose ku qaatey magaalada Borama, ka dib u wareegay magaalada Hargeysa wakhtigii waxbarashada dugsiga sare.

Taariikh

Wakhtiyadii dhaqdhaqaaqa xornimo doonka ayuu si fiican u soo caan-baxay Xasan Buuni, wuxuuna ku biiray xisbigii Midowga Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu ka mid ahaa koox rag ah oo matalayay maamulkii Biritish Somaliland wakhtigii 1960kii kuwaasi oo calanka geeyay magaalada Muqdisho si loola midoobo walaalaha Koonfurta Soomaaliya.[2]

Si kastaba ha ahaatee, markii la dhisay dowladii ugu horeeysay ee Soomaaliya 1960kii wuxuu Cabdi Xasan Buuni noqdey raiisal-wasaare ku-xigeenkii dowladii Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde).

Waxbarashada

  • Dusiga Hoose Borama (1946-1948)
  • Dugsiga Dhexe Borama (1949-1950)
  • V.T.C Amoud (1954-1955 )

Maamulka

  • Raiisal-wasaare ku xigeen (1960)
  • Wasiirka Dowlada Somaliland (2001)

Xigasho