Caaqilka gahayle gabay
[1]Gabaygan waxa tiriyay abwaan chief caaqil cali xaaji nuux caaqilka beesha gahayle(siwaaqroon)
dunidaa ilaahay intuu daayin ku abuuray waxa noogu debin daabyo badan duulka muuse ah hadii aanay abaal dumis ahayn nama dagaaleene.
Taariikhda duuga ah hadaan dib ogo faaloodo hadaan hadalka kii daacad ah laga dulboodaayo oo aan dacaayad iyo ceeb la iska deynaynin Bal aan dayo diiwaan baa qornaa tan iyo Daa'uude.
Anagoo ilaah daayini dacalka noo buuxshey oo dad iyo duunyo iyo dahaba noo dhiibay oo meesha aan soo degnaba malab dareeraayo Aanu dawlad nahay oday duqoo daalan baa yimid.
Ma danaynin, dad qoladuu ka yahay daarad uu galo'e Dar ilaahigay waxanu nidhi waa nin daalibahe dejinay oo intii loo degdegay , dadabna loo gooy'e duunyiyo, hablaansiinay oo loo dabaal degay.
Halkaasay ka soo daalaceen diricyadiisii'e waa duul ilaahay damacsanaa in ay dambaabaane dureemada sideeday duni ku faafeene.
Damacooda goortii la deyey deris nacaybkooda ninkii raga dareen baa ka galay in ay duraayeene doqonta iyo caamaduse waa u dabecasanaadeene.
waxba yeey anaga noo damqanoo diirka noo nixine habaryarihii daadihiyey iyo hooyadii dihatay dusha iyo docdaba dumarkii siday kama ducaystaan.
Baqayuu dhashiisa uma dayo in ay dilaayaane intuu meel dugsi ah seexiyuu hilib u doonaaye kama daalo jeeray dalkiyo debed u raacaane markuu toban diraacood wado bay dalow ka tuuraane.
Anagana waxay nagu dageen yaan la daayicine daryeelkiyo inoo daayadii dib uma eegaane Mas dumdume beley nagu noqdeen oo dad laaye'ah
Deegaanse nimaad wadaagtaan haduu daacad noqon waayo adigoo dantiis gelin haduu duurka kugu toogto oo uu dulqaadkaaga badan doqon ku moodaayo oo uu diboow qodax leh iyo dacar ku leefsiiyo
Adigoo dawakhay maalin baad cadho ku duushaaye waxa dakharka dhiigale na baday duurtidii hore eh talo malaha dabo la qabsadee waa dib loo gocaye
haday odayadii dayriyaan nama dal riixeene Allahayoow da'adii hore maxay daalin nagu beertay.
N/B Gabayga waxaa ku jirtay " baqayuu dhashiisa uma dayo in ay dilaayaane" inta aan garanayn baqayuhu waa bahal marka uu dhashiisa koriya ayaa markuu uu gaboobo ay dalow ka tuuraan. in aad kaydisaan xogta aan idiin soo gudbinayno ayaan idinka codsnaynaa.
Qore:Abdirashiid Abokor Ali Danab
- ↑ Siwaaqroon sub clans 8) Xusseen Talareer (Siwaaqroon) 9) Maxamed Siwaaqroon 10) Dabuud. 10) Gahayle 9) Nuux Siwaaqroon 10) dhaadaar Nuux 11) C/Raxmaan Nuux 11) Aadan C/Raxmaan 12) C/Samad Aadan 13) Yoonis C/Samad 13) Liibaan C/Samad 13) Maxamuud C/Samad 13) Ibraahim C/Samad 11) Oday maarke C/Raxmaan 11) Abokor C/Raxmaan 12) Cawlyahan Abokor 13) Ciise Cawlyahan 13) Jibriil Cawlyahan 13) Yuusf Cawlyahan 13) Haashim Cawlyahan