Cabdikariin Qaarey

(Waxaa laga soo toosiyay C/Kariin Farax Qaareey (Jiir))

Cabdikariin Faarax, oo ku magac dheer Jiir waa mid ka mid ah [1]mulaxamiistayaasha Soomaaliyeed.

Taariikh nololeed wax ka badal

Laxamiiste Cabdikariin Faarax Qaarey oo ku magacdheer Cabdikariin Jiir waxa uu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1943dii. Hobyo ayuu ku soo barbaaray, kuna soo qaatay dugsi hoose iyo dhexe. Barbaarkiisa iyo waxbarashadiisa waxaa u garab-socday hibo faneed, wuxuuna yaraantiisii heellada ka qaadi jiray xafladaha iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Sanadkii 1960kii oo ay Soomaaliya xurriyadda qaadatay ayuu Muqdisho soo galay. "Aniga oo yar ayaan Hobyo ka heesi jiray. Qof iga cod fiican in uu jiro uma maleyn jirin. Muqdisho ayaan imid aniga oo jaceyl xooggan u qaba fanka. Idaacaddii Radio Muqdisho ayaa tartan faneed laga iclaamiyay sanadkii 1963dii. In aan ka qeybgalo ayaan go'aansaday. Faadumo Daleys ayaa i gaysay Radio Muqdisho. Heello Layaab la yiraahdo ayaan soo duubay. Subixii ayaa heesaha la duubi jiray, galabkiina waa la soo deyn jiray. Galabtii ayaan timajare u tegay. 05:00pm ayaa waxaa Radio Muqdisho ka soo gashay heelladeydii. Anigu markaas waan faraxsanahay oo waxaan is leeyahay ku raaxeyso codkaada. Markii heestii billaabatay ayaa waxaa caay igu billaabay ninkii timaha ii jarayay. Ninku ma oga in aan aniga ahay, ee qofkaas heesaya ayuu caayay. Waan yaabay oo waxaan is iri oo meel kasta ma sidaas ayaa lagaaga caynayaa?

Markaas ayaan go'aan ku gaaray in aanan dib dambe ha u heesin. Waxaana ku fikiray in aan codkeygii xumaa cod macaan ku sameeyo, oo aan laxamiiste noqdo. 6 sano ayayna igu qaadatay in aan laxan sameeyo." Cabdikariin Jiir

Barashada codka iyo laxanka ayuu baadigoobay. Sanakii 1968dii ayuu laxameeyay heeskii ugu horreeyay. Waa heesta Sabab kake ee loo yaqaanno Hiba Nuura, balse uu markii ugu horreysay qaaday Maxamed Mooge.

xiligii oo fanka soo galay wax ka badal

Cabdikariin wuxuu si rasmi ah fanka ugu biiray sanadka markuu ahaa 1962 oo uu noqday mid ka shaqeeya Radio Muqdisho, muddo dheer kadib ayuu wuxuu u badashay Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta qaybta suugaanta, halkaas uu muddo ka shaqeynaayey.

mulaxamiistuhu markii ay ahayd sanadku 1969 kii ayaa wuxuu jeclaaday ooradiisa oo waagaas uu isaga hor jeclaaday, kadib ayuu isku dayey in uu hees u sameeyo. Abwaan maxamed cali kaaariye oo ahaa dhakhtar jaceyl u tagay una sheegtay jacelkiisa kadibna abwaanku u sameeyey heesta magaceeda la dhaho sabab kale ha moodin. wuxuu isku dayey Mulaxamiiste jiir in uu mulaxamiistayaasha jira u geeyo kadib mashquul badan uu ka dareemay ayuu mulaxamiista jiir inta uu qol isku soo xirey isku dayey in uu laxanka saaro, heesta kadib bulshadii soomaaliyeed ayaa aad uga heshay heesta sidaas ayeyna ku gashay heesta heesaha hirgalay.

  1. https://radioergo.org/2018/06/17/maxay-ku-qaadatay-cabdikariin-faarax-qaarey-barashada-iyo-sameynta-mulaxamka/.  Maqan ama ebar |title= (caawin)