Buurweyn

Degmada Buurweyn

Maqaal kaan waxaa soo diyaariyay Saadaq cumar cosmaan ((cagaarrow))


Degmada Buurweyn waxay ku taalaa gobolka Hiiraan waana buur dabiici ah waxaana ku nool dad xoolo dhaqato beeraley ah waxaa degmada ku yaalo xabsi weyn oo dowladii dhexe ee soomaliya dadka ku xabisi jirtay oo loo yaqaanay Xabsiga Buurweyn, waxaa dega beesha Baadacadde, gaar ahaan Zubeyr Gacal, waxaa marta wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo gobolada dhexe.

Degmada ayaa 20kii sanno oo dagaalada sokeeye noqotay magaalo waxaa laga sameeyay mehrado waaweyn oo ganacsi waxaad ka heleysaa shirkadaha xawilaadaha sida Dahabshiil, Jubba Express , Amal iyo kuwa kale oo badan, waxaa kaloo ku yaalo shirkadaha telefoonada sida Hormuud, Nationlink, iyo Telcom Somalia. Waxaa kaloo jira ganacsi aad u balaaran oo dad aad u fara badan ayaa u soo suuq taga maalinta isniinta ah Waxaa degmada ku yaalo hareeraheeda dhul beereed aad u weyn oo leh wax soo saar wanaagsan, iyadoo sanadahaan dambe laga soo saaro sisin loo iib geeeyo wadamada khaliijka iyo wadamada Geeska Afrika iyo guud ahaan soomaliya.

Buurta ku taalo Buurweyn waa meel aad u qurux badan oo waagii nabadda ay dadka u imaan jireen dalxiis iyadoo ku taalo meel dalxiiska ku haboon.

Buuloburde oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan ayaay 30 km dhanka konfur ka jirtaa dhanka barigana waxaa 20 km u jirta dagmada Jalalaqsi. Degmada Buurweyn waxa hoos yimaado in kabadan 50 tuulo oo aay ugu waa weyn Gabaaryoole,Xamiirgaab, Siibaay, Buulo Shiiq Xasan, Bilcileey, Garasboore, Sarmaan,Sadexbaar, Garasweyne,Show. Biineef iyo kuwa kale oo badan. Degmada waxey leedahay iskuul kaas oo loo yaqaan Buurweyn primary school. Degmada waxey kaloo leedahay isbitaal. Degmada waxa kaloo leedahay masaajid aad u weyn oo ah kan ugu weyn gobolka ahne dabaq si casri ah loo dhisay mardhow.Haddaba degmada Buurweyn ayaa hadda waxaa aad u hormaray ganacsigeeda iyadoo qudaarti laga soo saaro loo iib geeyo magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Boosaaso, waana deegaan wax soo saarkiisa aad u sareeya degmada waxey ku caan tahay nabadda waa degmo ay u dhameystiran yihiin wax yaabaha asaasiga ah ee nolosha muhiimka u ah, degmada Buurweyn waa deegaan barwaaqo weliba aad ugu wacan dhul beeredka iyo dhul daaqsinka iyadoo dadka aay aad u jecelyihiin in aay u dalxiis taagan.degmada waxa soo maray dad magac ku dhex leh. Bulshada hadey ahaan laheyd dhabanka, siyaasada, Ganacsiga iyo Aqoonta intaba.

Buurweyn waa baladkii Gaashaandhiga buurweyn waa baladkii barwaaqada.