Taariikh Nololeedka Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi wax ka badal

Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil waxa uu ku dhashay tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala, kuna taal dhulbuureedka sare, sanadkii 1910.

Aabihiis Beeldaaje Maxamed Ismaaciil waxa uu ahaa Beeldaajaha Cali Saleemaan, kaasoo ka dhaxlay Aabihiis Ismaaciil, ka ab, ka ab, iyagoo sida la ogyahay todoba (7) qarni ahaa Beeldaaje, dawlad kasta oo timaada oo isticmaari ah awood uma laheyn iney faragashato. Beeldaaje Maxamed Ismaaciil waxaa la dhashey a) cartan Beeldaaje b)Dalmar Beeldaaje c) Saciid Beldaaje

Beeldaaje Xaaji C/laahi waxa la dhashay a) Cali Beeldaaje oo ka weynaa, b) Xasan Beeldaaje, c) Maxamuud Beeldaeje. Cali oo ahaa curadkii dhaxalka lahaa markuu hanaqaad noqon lahaa ayuu geeriyooday, halkaas ayuu Xaaji C/laahi ku noqday (Waliyal Cahdi), saas daraadeed markuu aabihiis geeriyooday sanadkii 1926 dii, xaaji C/laahi waa uu yaraa waxaana xilka sii hayey oo barbaariyey adeerkiis Beldaje Xaaji Cartan Beldaaje. Xaaji C/laahi waxa uu noqday Beeldaajihii todobaad (7) ee Beesha Cali Saleeban.

Xaaji Cabdullaahi wuxuu yaraantiisii nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ugu horeysay ee Xaaji Maxamuud “Dharas”, kaasoo ah dugsi magaalda Qanadala caan ka ahaa. Sidoo kale Xaaji C/laahi wuxuu waxbarasho iyo safaraba u aaday Xamar iyo Yemen sanadadii 1930-35 kii.

Markii ay dowladii Fashiistiga ee Benito Musselini qabsatay Majeerteeniya, waxaa dhacay dagaal culus oo badda iyo bariga laga duqeeyey deegaanadaas, sida la ogyahay Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi iyo adeeradiis, Xaaji Cartan Ismaaciil iyo Siciid Ismaaciil waxa lagu eedeeyey in ay amarkii Governerka ka hor yimaadeen, dabadeedna waxa loo musaafuriyey xabsi ku yaal Xaafuun, oo markaas aheyd magaalada Soomaaliya ugu horumarsan, halkaasna waxa ay ku xiraayeen sanad.

1937-41 dagaalkii labaad ee dunida Beeldaajaha iyo Ugaas Yaasiin C/raxmaan, waxa ay ku howlanaayeen wax ka qabadka (xaaladaha deg dega oo Ingiriiska ku soo rogay Soomaaliya ee beegida raashinka), oo cunta la`aanta saameysey noloshii dadka.

1941-49 waxa uu ka mid ahaa Guddiyadii Ururka Leegada, SYL.

1950, markii UN ku Talyaaniga soo cesheen, waxa uu ka mid ahaa Isimadii diidanaa ee doonaayey watayna figrada “Great Somalia” Soomaali in la isku daro. Isla sanadkaas 1950 waxaa la casriyeyey warshada kalluunka ee Qandala taas oo uu door weyn ka qaatay furideeda.

Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi wuxuu ahaa oday dhaqanka Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ku dheer. Waxaana lagu tilmaami jiray Isimada Gobolka ugu dhaqan adag.

Baarlamaanka Soomaaliya wax ka badal

File:Beldaje7.jpg
Beeldaaje Cabdullaahi (Ilaahay ha u naxariisto), Rome 1990s .

1959 waxa uu ka mid noqday xildhibaanadii Soomaaliyeed ee la doortay, galayna baarlamaankii ugu horeeyey (Assemblea Nazionale Somala), waxaana laga doortay degmada Qandala. Wuxuu mar labaad soo galay baarlamanka 1964-69, halkaasna wuxuu Siyaasadda ku jirey toban (10) sano.

Wuxuu safaro badan ku aaday dalalka Yemen, Sucuudi Carabia, Kuwait, Bangladesh, Shiinaha, Ruushka. Mareykanka, Yurub iyo Beitul Qudus intii ay gacanta ku heysey Urdun.

Wuxuu ka sheekeeyay in uu joogay Dallas (USA) maalintii la dilay John Kennedy madaxwaynihii maraykanka 23kii September 1963, halkaas oo uu u joogay wafdi ahaan.

Madax badan oo aduunka ayuu la kulmay,wuxuuna aaminsanaa midnimada Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.

1991 wixii ka dambeeyay wax ka badal

Mudaddii burburka 1991-2004 wuxuu joogay oo ku noolaa dalka Imaaraadka halkaas oo shaqo badan ka qabtay, dadwaynaha Soomaaliyeedna guud ahaan iyo gobolka Bari uu si gaar ah wax ugu raadin jiray. Waxa uu ka mid ahaa isaga iyo Ugaas Yaasiin odayaashii aaday dalka Holland oo biyo galinta Boosaaso loo soo ogalaaday, soona saxiixay sanadkii1994. Waxa uu ka mid ahaa Issimadii ( boqor Maxamuud iyo ugaas Yaasiin ) ee ka dhameeyay sheekha Sharja Al-qasim, garoonka Boosaaso in la dhiso kaasoo maamulka Puntland si toos ah u diiday.

Waxa uu ahaa nin nasiib badan oo waxa uu damco u hirgalaan. Waxa uu ka tegay 11 rag ah iyo 7 dumar ah iyo 3 ooryo.

Dhimashadiisa wax ka badal

Allah ha u naxariistee Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje Maxamed Beldaaje Ismaaciil, waxa uu ku geeriyooday magaalada London, UK 19-10-2004 oo ku aadanayd bisha barakaysan ee Ramadaan 4teedii, 1425H..

Geeeridii Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi kadib waxaa isagana Geeriyooday curadkiisa dhaxalka lahaa allaha u naxariistee Beldaaje Ismaaciil xaaji Cabdullahi Beeldaaje waxaana beeldaaje loo doortay Beeldaaje Faraax Beeldaaje Cabdulaahi oo isna 8 dii Abriil, 2012 ku geeriyooday magaalada Al-eyn ee Isutagga Imaaraadka Carabta laguna aasay magaalada Boosaaso.

Prominent figures wax ka badal

  • Beeldaaje Cabdullahi Beeldaaje Maxamed, odayaasha ugu cansaanan jiray gobolada Puntland kana mid aha aasaasayasha dowlad Puntland kana mid aha xildhibaanada ugu horreeyey ee Soomaaliya yeelato 1960 laga soo doortay magaalada Qandala.

Ibrahim Artan Ismail(xaaji Bakiin),Ex-minister of interior and security of Puntland,Ex-deputy minister of information,and Ex-governor of Bari region.

  1. Gundel, Joakim; Ahmed A. Omar "Dharbaxo", (DOC), Danish Refugee Council and Oxfam Novib, p. 15 http://siteresources.worldbank.org/INTLAWJUSTINST/Resources/GundelTheroleoftraditionalstructures_1.doc  Barameter aan la aqoon |month= ignored (caawin); Cite wuxuu adeegsadaa barameter hoos u dhaca |coauthors= (caawin); Maqan ama ebar |title= (caawin)