Bar-internet (Af Ingiriis : website[1]; Af Carabi : ar‎) waa bar (meel) ka tirsan bogaga internetka taasi oo gaar u ah qof, meherad, koox, urur, dowlad iyo wixii la mid ah. Barta internetka waxaa ku jira macluumaadyo badan oo kala duwan kuwaasi oo iskugu jira qoraal, dhagaysi, maqal, maqal iyo muuqaal iyo noocyo kale.

Bar-internetka dowlada Somaliland
Whitehouse.gov horaantii 1995, wakhtigii uu madaxweynaha ahaa Bill Clinton

Bar kasta oo internetka ka mid ah waxay leedahay ciwaan, magac iyo IP u gaar ah kuwaasi oo laga soo iibsado ama kireysto shirkadaha waaweyn ee maamula internetka.

Hordhac

Sida caadiga ah bar-internet waa goob ka tirsan macluumaadka onlineka ah ee laga helo internetka. Goobtaasi waxaa si gaar ah u maamula ama iska leh qof, meherad, koox, urur iyo wixii la hal maala. Dunida maanta waxaa jira tiro aad u badan oo bar-internet ah kuwaasi oo u adeega bulshada caalamka isla markaana leh ujeedooyin iyo shaqo kala duwan.

Sidoo kale fiiri

Xigasho