Astrid Lindgren Memorial Award
Fiiro gaar ah: maqaalkan ma lahan tixraac iyo xigasho. |
Astrid Lindgren Memorial Award (ALMA-priset)
Astrid Lindgren Memorial Award waa abaal marinta ugu weyn ee lagu abaal mariyo buugaagta carruurta iyo dhallinyarada. Abaal marinta waxaa la qaybiyaa sannad walba, qiimaha lacagtuna waa 5000 000 karoon. Abaal marinta waxaa aas aasay dawladda Iswiidhan si loogu xasuusto qoraaga iswiidhishada ah ee Astrid Lindgren, taasoo qiimo weyn u leh horumarinta buugaagta carruurta -iyo dhallinyarada. Abaal marinta waxaa la guddoonsiiyaa qoraa ama soo saare buuggaag sheeko ama qof dhiiri geliya wax akhriska. Abaal marinta waxaa la siiyaa qof ama urur ayadoo aan loo eegeynin luqadooda iyo jinsiyadooda.
Carruurtu waxa ay xaq u leeyihiin buugaag wanaagsan. Buugaagta carruurtu waxa ay leedahay awood kordhisa fahamka iyo in la is dhaafsado xiriirka dhaqan ee ka dhexeeya bani´aadamka. In carruurta iyo dhallintu ay helaan buugaag waxa ay shardi u tahay dimoqoraadiydda iyo bulsho daacad ah. Foojignaata ay abaalmarintu leedahay waxa ay horseedaa turjumid badan iyo in carruur badan ay helaan buuggaag qiimo sare leh.
Casumaadda musharixiinta waxaa la soo sharaxaa bisha janaayo sannad walba. Magacaabista musharaxiintu waa in ay soo gaartaa xafiiska guddiga ugu dambayn 15ka maaj.Waxaa Xataa wax soo sharixi kara dadkii qaatay mar hore abaal marinta iyo guddiga soo bandhiga musharixiinta. Lama dalban karo abaal marinta. Guddiga ayaa soo bandhiga guulaystaha abaal marinta buugaagta ee xasuusta Astrid Lindgren kulankooda ugu dambeeya ee bisha maarso. Abaal marinta waxaa lagu qaybiyaa ama bixiyaa magaalada Stockholm ee dalka Iswiidhan dhammaadka bisha maajo ama horraanta bisha juunyo, xilligaas oo ah xilliga ay Iswiidhan ugu qurxoon tahay.
Billad qaatayaasha
wax ka badal- 2003 Maurice Zendak (USA)
- 2003 Christine Nöstlinger (Ostoriya)
- 2004 Lygia Bojunga (Brazil)
- 2005 Ryôji Arai (Jaban)
- 2005 Philip Pullman (England)
- 2006 Katherine Paterson (USA)
- 2007 Banco del Libro (Venezuela)
- 2008 Sonya Hartnett ( Australia)
- 2009 Tamer Institute for Community Education (Falastiin)
- 2010 Kitty Crowther ( Biljam)
- 2011 Shaun Tan (Australia)
- 2012 Guus Kuijer (Holland)
- 2013 Isol (Arjantiina)
- 2014 Barbro Lindgren (Swiidhan)
- 2015 PRAESA (South Afrika)
- 2016 Meg Rosoff (USA)
- 2017 Wolf Erlbruch (Germany)
- 2018 Jacqueline Woodson (USA)
- 2019 Bart Moeyaert (Belgium)
- 2020 Baek Heena (Republic Of Korea)
- 2021 Jean-Claude Mourlevat (France)
- 2022 Eva Lindström (Sweden)
Isha ay ka timid:
wax ka badalLaureates (alma.se)
Mareegta laga helo Alma.se –ee ingiriiska:
wax ka badalhttp://alma.se/en/ Archived Maaj 31, 2016 // Wayback Machine