Afmaldaha ama afka maldahani[1] Waa Hadal la daboolay, sida uu yahay maahee si kale loo dhigo.

Macnaha wax ka badal

afmaldaha waa hadal Ay Suugaanyahanadu Inta Badan Adeegsadaan, marka ay cid ammaanayaan amma ay cid dhaliilayaan Iyo Marka Ay Bulshada Aragitidooda U Usoo Bandhigayaan si suugaamaynsan oo aan ahayn si toos ah.

Afmaldahaneyaashu Waa Hibo Farshaxnimo Ah Oo Ay Maansoyahanadu Hadalka U Dhigaan, Kaasoo Erayada Ay Adeegsanayaan Macnohodii Saxda Ahaa Aanay Soo Gudbinayaan.

Af-Maldahani Wuxuu Kor U Qaadaa Xiiso Galinta Hodantooyada Gabayaaga Iyo Heerka Suugaanta Uu Soo Bandhigaayo.

Af-Maldahu Waa Hadal Oo Hu' la Saaro Oo La Sogordoho, Oo Sidaa Loo Yidhi Aanu Macnihiisu Ahayn Ee Uu Ka Duwan Yahay:-

Laamaha oo u Kala Baxo Af-maldahu wax ka badal

Ekeeye,Shareere,Buunbuunin,Qofayn,Silansugan,Duurxul,Yamxeero/Dayro,Jeesjees/Quusin(Lagaado), Sarbeeb.


Sarbeeb wax ka badal

Waa Hadal Maldahan Oo U Jeedo Fog Leh. Waa Hadal Cida Loola Jeedo Aan Si Cad Loogu Abaarin Oo Waxa Kale Lagu Soo Mariyo. Waa Hadal Ay Ku Jirto Aftahnimo Xeel-dheeri Farshaxnimo Falsafadaysan Waa Hadal Iyada Oo Dad Loo La'jeedo Haddan Erayda Weedha La Adeegsanyo Lagu Soo Qaato Shay Kala Oo La Soo Humaag Raacay Oo Kii Saxda ahaa aan Ahayn Ee Loo Jeeday. Waa Hadal Aan Si Toosa Loogu Bandhigin Haddii Cid Lagu Dhaliilayo Ama Lagu Damcsanyahay In Wax Laga Sheego.

Waa Hadal Duluc Qarsoon Kana Fog Weedha La Isticmaalayay Erayada Ku Jira Iyo Macnaha Muuqda Ee Ay Leeydahay..

Tusaale wax ka badal

-Gamaan Kiina Badan Faytinow Gobalba Waa Cayne  

-Qaarbaan Ka Gooriyo Ka Goora Godalka Daynaye  

-Qaar Baan Gadhqaadkan Labarin Gaabsina U Dhalane. 

-Gabax Lagu Shakaalyow Sengihi Gaabi Oradkiiye 

-Gacalnimo Haddan Naga Rabtaan Go'aha Noo Doorsha  

-Haddi Kale Sidaa Noo Gasheen Yaa inoo Gudboon 

Ekeeye wax ka badal

Waa Hadal Maldahan,Oo Labo Shay Iyo Wax Ka Badan Humaag Lagaga Dhexaysiiyo.Mar Walba Labada Humaag Ee La Adeegsanayo Mid Waa La Yaqaan,Midna Waa Mid Aan La Aqoon,Kan Aan La Aqoon Qofkaa Kula Hadalya Ayaa Yaqaan,Ka La Yaqaanna Qofka Dhegeysanaya Ayaa Yaqaan Markaasuu Qofkii Hadlaayey Isugu Xidhiidhiyaa Qofkaa Dhegeysanayey Oo Uu Odhanayaa Ka Aad Taqaano Iyo Ka Aanad Aqoonini Sidaa Ayey Isugu Mid Yihiin.

-Waa Hadal Weedhiisu Ay Ka Koobantahay Afar Qeybood Oo Kala Ah:-

-loo ekee, u ekee,Waxaa ay isga egyihiin amma ay wadaagaan iyo erayada Wax La Isugu Eekeysiiyo Oo Kala Ah:)

-Sida lagumood/lamoodaa, Geddeedii/caynkeedii,Geddediisii/caynkiisii, tahay/lamid ah, u eeg iwm.

-Tusaale Ahan Kolka Aynu Baranayno Qaabka Dhulka Waxa La Yidhaa:- Dhulku Waa Sida Kubada.

-Eekeeyuhu Waa Af-maldaha Xagga Maansada Marka Laga Eego Abwaanad Soomaaliyeed Ay Ugu Adeegi Badan Yihiin...

Tusaal Ahan Maansadii Tiriya Allah Haw Naxaristee Abwaan Cilmi Boodhari Qeyb Ka Mid Soo Qaadanyaa Oo Lahayd....

-Sida Geel Haraadoo Wax Badan Hawdka Miranaayey.

-Oo Horo Lasoo Joojiyoo Kuraygu Heegaayo.

-Oo Hoobay Loo Qaaday Iyo Hadal Walwaaleedka 

-Kolkaa Hodan Tidhaahdaanba Waan Soo Hinqanayaay lasoco qaybaha kale ee afmaldahanaha Abwaan abdimalik elmi abdirahman xikmadayste

Duurxul wax ka badal

Waa Hadal Maldahan Oo U Jeedo Fog Leh. Waa Hadal Cida Loola Jeedo Aan Si Cad Loogu Abaarin Oo Waxa Kale Lagu Soo Mariyo. Waa Hadal Ay Ku Jirto Aftahnimo Xeel-dheeri Farshaxnimo Falsafadaysan Waa Hadal Iyada Oo Dad Loo La’jeedo Haddan Erayda Weedha La Adeegsanyo Lagu Soo Qaato Shay Kala Oo La Soo Hummag Raacay Oo Kii Saxda Ahayn Ee Loo Jeeday..

–Waa Hadal Aan Si Toosa Loogu Bandhigin Haddii Cid Lagu Dhaliilayo Ama Lagu Damcsanyahay In Wax Laga Sheego.

–Waa Hadal Duluc Qarsoon Kana Fog Weedha La Isticmaalayay Erayada Ku Jira Iyo Macnaha Muuqda Ee Ay Leeydahay..

(tusaale)

-Gamaan Kiina Badan Faytinow Gobalba Waa Cayne

–Qaarbaan Ka Gooriyo Ka Goora Godalka Daynaye

–Qaar Baan Gadhqaadkan Labarin Gaabsina U Dhalane.

–Gabax Lagu Shakaalyow Sengihi Gaabi Oradkiiye

–Gacalnimo Haddan Naga Rabtaan Go’aha Noo Doorsha

–Haddi Kale Sidaa Noo Gasheen Yaa inoo Gudboon





 

qofayn waa qayb amma nooc kamida afmaldaha oo noole amma ma noole kasta oo aan hadal, laga hadal siinayo

  1. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2021-10-18. Soo qaatay 2020-03-06.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)