Adoon

(Waxaa laga soo toosiyay Adoonsi)
Kani waa maqaal ku saabsan adoon-ka, adoonsiga iyo wixii la hal maala. Qoraal kan ka duwan fiiri Gumeysi

Adoon, Adoonsi (Af Ingiriis : slavery; Af Carabi : ar‎) waa qof nool oo xoriyada ka qaadeen qof ama tiro dad ka awood badan, kuwaasi oo u isticmaalaya sida ay ayagu ku qanacsan yihiin.[1] Adoonsi waxaa lagu sharaxaa "Marka qof loo isticmaalo in lagu shaqeeysto ayadoo wax faa'iido ah ugu jirin qofka la adoonsanayo; sidoo kale waa qof loola dhaqmayo sida wax la leeyahay oo kale, kaasi oo la iibin karo, la iibsan karo, la calaamadaysan karo, la xoogi karo, xataa la dili karo."[2]

Silsilad lagu xidhi jirey adoonta Ameerika.
Adoonsiga Bariga Dhexe wakhtiyo hore
Dad la qafaashayo si loo adoonsado
Adoonsiga casriga ah waxaa ka mid ah caruurta lagu shaqeeysto bilaa lacag

Dadku waxay adoon noqon jireen marka la qafaasho, ama dagaal lagaga awood bato, la iibsado, ama adoon dhasho. Adoonsiga noocaasi ahaa wuxuu caan ka ahaa aduunyada qarniyo badan oo gaadhaya ilaa horaantii ilbaxnimada aadamaha[3][4] goortaasi oo qabiilada isdagaala is gumeysan jireen ama bulshooyinka laga awooda badan yahay la gumeysan jirey. Adoonsigii ugu dambeeyay wuxu ahaa 2007dii wadanka Mauritania kaasi oo la xoreeyay dagaal iyo dacwad badan ka dib.[5]

Dunida maanta waa laga mamnuucay in qof la adoonsado, dhamaan sharciyada wadanada caalamku midaasi ayay ka siman yihiin. Laakiin waxaa jira nooc kale oo lagu dhaqmo maanta. Waloow uu yahay qeyb ka mid ah adoonsiga; ayaa hadii qof lagu khasbo inuu shaqeeyo asagoon ka bixi karin heshiiska ama aan wax ka bedeli karin ayaa lagu magacaabaa Adoonsiga Casriga ah. Waxaa iyadna ka mid ah adoonsiga casriga ah: Caruurta Askarta ah, dad lagu leeyahay amaah badan kuwaasi oo lagu shaqeeysto maadaama aanay bixin karin lacagtaasi, ilmo la xaday oo lagu adeegto ilaa dhimashada (ama gabdhaha loo isticmaalo galmo), tahriibinta dadka, guurka khasabka ah iyo noocyo kale oo badan oo wadanada dunida sadexaad ku dhaqmaan intooda badan.

Sida ay ku soo warameen ururada xuquuqda aadamaha (human rights organizations) maanta waxaa dunida jira ilaa 36 milyan dad ah oo adoonsi ku nool, kuwaasi oo lagu heeysto meelo kala duwan oo dunida ah.[6][7][8]

Xigasho