Coordinates: 9°8′51″N 48°25′15″E / 9.14750°N 48.42083°E / 9.14750; 48.42083

Taleex waa degmo katirsan Gobalka Sool ee Somalia. Waxa Dega Nur Axmed oo Galool Oriye ah, ee beelaha Ciid-Nugaal, ama Si'iid Harti ama reer darawiish, oo caasimadda Darawiishta ahayd. Sidaas darteed, waxaa Nur Axmed lagu magac dheereeya iney yihiin khaadimka qalcaddii Diiriye Guure, ama Nur Axmed iney yihiin khaadimka daartii Diiriye Guure.

Taleeh

Taleex

تليح
Town
Taleeh is located in Earth
Taleeh
Taleeh
Wadanka Somalia
GobolSool
DegmadaTaleex
Dowlada
Area
5 km2 (2 sq mi)
Tirada dadka
 • Dhammaan32,100
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Taariikhii wax ka badal

 
Calankii isaaqa

Magaalada Taleex waa mandaqadii ugu horeysay ee kutaal qaarada Afrika, taas oo ay Ciidamadii Ingriisku ay diyaarad ku duqeeyaan.

Waxaa illaa Iminka ka dhisan Aasaartii Qalcadihii ay ku la haayeen taliskii daraawiishtu. Diiriye Guure wuu ku guuleystey dagalkii inkiriis isagoo jabshay ciidankii guumaysiga.

Taleex waxaa la dhisay sida aan taariikhda laygu sheegay 1913kii. Waxaana dhisay ninkii dhisay sarta dheer ee #Daawad_Eyl.

Dadka taariikhda sheega waxay dhahaan markii uudhisay sarra daawad in la keenay Taleex.

Waxaa la sheegaa oo lagu xusay taariikhda in markii dagaalkii Taleex bilaabanaayay 1918-kii uu socday dhismaha Taleex.

Taas waxay muujinaysaa in dhismaha uu muddo socday.

Waxaa xusid mudan in sarta ama qalcadda Daawad iyo Taleex in lagu dhisay Caano geel. Taasna waxay keentay in uu dhismuhu raago waqti dheerna uu jiro.

Balse oday aan la xiriiray ee reer taleex waxa uu iisheegay in uu deganaa in yar sarta. Taas bedelkeeda oday la dhoho #Xaaji_Suudi ayaa ku taliyay in #Sayidku uguuro dhankaa iyo xeebta #Sanaag iyo dhulka #Durdura iyo midhisho iyo jidali.

Balse dadkale waxay sheegaan in Taleex ay ku hadheen ciidanka daraawiishta qeyb ka mida.

Taleex sida eyl ayay taariikhda qadiimiga ah leedahay balse iyada waxaa udheer Waxay noqotay meeshii ugu horeysay #Afrika lagu duqeeyo diyaarad guumaysi.

Waxaa iyana jirta meel la dhoho #Xalin in ay daganaayeen daraawiishta ka hor inta aysan uguurin Taleex.

Ciidanka daraawiishta ka sokow, dadka deegaanka lagu yaqaanay ee sool iyagu waxay uguureen #Nugaal iyo gobolka togdheer #burco baadiyahiisa.

Walow la sheego duqeyntaas in ay ku dhinteen dad badan sida uu iisheegay oday soomaaliyeed ee reer sool.

Waxaa lasheegaa in uu ku aasan yahay .

1. Diiriye Guure aabbihi

2. Carro Timiro Seed Magan.

3. Iyo kuwo kale

DHAQAALAHA.

Gobolka Sool dhaqaalaha waxa uu ka soogalaa xoolaha nool.

Waxa uu dhulkaas caan ku yahay

- Geella

- Arrigga

- Gammaanta

lo'da waxaa la sheegaa in ay ku yartahay sababtana waa dhulka oo ah deegaan Sool ah.


CIMILADDA

Dhulka soolka waa dhul cimilo dhex dhexaad ah oo aan ahayn kuleyl saa'id ah sida dhulka qaar.