Abuu Yaxya Suhayb bin Sanaan Al-Ruumi waa saxaabi islaamnimadiisa horeesay, wuxuu ku juray kuwa liita ee Makka lagu cadaabi jiray.

Suheyb Al-Ruumi
صهيب الرومي
Saxaabi
xog ku saabsan
Aabihiisa: Sanaan bin Maalik
Hooyadii Salma binti Qaciid
Dhashay: 566
Ku dhashay: Ciraaq
Diintiisa: Islaam
Xaaska Haala binti Xafsi
Ilmahiisa
Dhintay: 38H
Ku dhintay: Madiina

Taariikhdiisa wax ka badal

Suheyb bin Sanaan bin Maalik bin Cabdi Camar waxa uu ku dhashay Jasiirada Furaat ee u dhaw Niinawaa, asalkiisana waa carab wuxuu kasoo jeeda Namir bin Qaasid oo ka mid ah qabiilada Rabiica bin Nazaar [1][2],

Aabihii wuxuu ahaa amiir boqor Kisraa markii amiir ka ahaa muusil, Suheeb wuxuu ku noolaa cizi iyo barwaaqo joogto ah ilaa iyo yaraantiisa

Maalin maalmaha kamid ah Ruum ayaa soo weeraray magaaladooda, caruurtii iyo haweenkii wee qafaasheen magaaladiina wee burburiyeen suheeb wuxuu kamid ahaa dadka la qafaashay, Wuxuu mudo la noolaa Ruum waxaa hesteen beer ka ganacsata wakhtigii iyo shaqaalihii,

Suheyb waxaa laga iibiyay wafdi ka socday banii kalab waxeena u qaateen magaalada Makka, waxaa ka sii iibsaday Cabdulaahi bin Judcaan oo ahaa ganacsade ween, Maalmo ka bacdi wuxuu cabdulaahi la yaabay caqliga iyo xikmada suheyb markii ka xurreeyay adoonimadii, Suheyb wuxuu bilaabay ganacsi ilaa uu ka yeeshay xoolo badan iyo sharaf Qureysh dhaxdeeda

Markii lasoo diray Rasuulka SCW wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horreeyay ee rumeeya rasuulka asaga iyo Camaar bin Yaasir. Camaar bin Yaasir waxaa laga wariyay inu yiri “waxaan suheyb bin sinaan kula kulmay albaabka guriga Arqam oo uu Rasuulka scw ku jiray, waxaan ku iri maxaad jeceshahay? Wuxuu igu yiri adiguna maxaad jeceshahay? Waxaan ku iri waxaan tusaale inan u galo Muxamad oo aan hadalkiisa dhageesto, wuxuu yiri aniguba sidas ayyaan u imid, waxaan u galnay rasuulka SCW wuxuu noo bandhigay islaamka waana rumaynay macalinkii oo dhana meeshaas ayan ku jirnay ilaa aan ka galabeesanay kadibna waa aan soo baxnay anago is qarinayna

Suheyb wuxuu kamid aha 7da qof ee ugu hor caddesatay iimaankooda lana bambaxday, Sidas darteed ayuu ula dhacay casar iyo cadaab aad u badan, qoraxda ayaa lagu jiray xeri jiray waxaanu la dhacay ciqaabi jiray cammaar bin yaasir iyo ahalkiisa

Maalmo kadib markuu Nabiga Scw Madiina u hijrooday Suheyb wuxuu go'aansaday inuu qaato wuxuu lahaa oo maal ahaa rasuulkana ka daba tago. Wuxuu ku dhaqaaqay xilli habeen bar ah oo kufaru quresh wada hurdaan, Maalkiisii ​​ayuu qaatay gaadiidkiis ​​ayuu koray wuuna dhaqaaqay asoo Qureysh ka cabsanaya

Waxaa qeyb ka mid ah kufaru Quresh markii u sheegay qomkiisa wuuna kiciyay. Waxaa dabagalay kooxda kamid ah kufaru quresh si ay usoo celiyaan weena ka dabatgeen

Wuu istaagay markii soo baxsaday warmihiisa iyo gamuunkiisa markii ku yiri “qureshey waad ogtihiin inan ahay kan idinku liiz badan wallaahi imasoo gaareesiin ilaa aan idinku soo rido dhamaan warmahayga wixii idinka soo harana waxaan ku garaaci doonaa seefteyda

Waxe ku dheheen: adigoon waxba heesan ayaad inoo timid agteen ayuu maalkaagu ku batay. Wuxuu ku yiri ka warama hadaan maalkeyga dhaafo maisii deynesaan? Waxe dheheen haa.

Wuxuu tusiyay meesha uu maalkiisa ku qarsaday wixii maal uu lahaana wuu oga tagay. Waxeena u ogolaadeen inuu hijrada sii wato ilaa uu Madiina ka gaaro. Kadib marku dhamaan wuxuu hestay uga tagay diintiisa awgii

Suheyb wuxuu baxay booska ku faraxsan inuu ka badbaaday kufaaru quraysh si uu ula kulmo rasuulka SCW uguna bishaareeyo imaanshihiisa.

Markuu madiina soo gaaray wuxuu u jihestay rasuulka SCW dhankiisa. Rasuulka ayaa ku badnaa dhoola caddeen farxadeed ku yiri:”rabixal baycu abaa yaxyaa, rabixal bayc rabixal bayc” sadex jeer ayuu yiri, Suheyb ayaa dhahay "Rasuul allow qofna igama kaa horumarinta qofaan jibriil aheena kuuma sheegin".

Taasna waxee kamid aheed karaamooyinka nabiga SCW, wuxuu ogaaday wixii dhacay iyadoo qofna u sheegin markii alle soojiyay aayadan :

( ومن الناس من يشري)

Suheeb wuxuu noloshiisa ku dhameste asago deris la ah rasuulka SCW, mana uusan ka dib dhicin gazawaadkii uu rasuulka hogaaminayay SCW, ilaa uu ka geeriyooday sanadkii 38aad ee hijriga RC.

Xigasho wax ka badal

  1. سير أعلام النبلاء» الصحابة رضوان الله عليهم» صهيب بن سنان Archived 2017-01-13 at the Wayback Machine
  2. جمهرة أنساب العرب ص300