Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah barandhaha.
Sonkor qadi
Ubaxa sonkor qadiga Hong Kong
Sonkor qadi
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Plantae
(darajo la'aan): Angiosperms
(darajo la'aan): Eudicots
(darajo la'aan): Asterids
Dirka: Solanales
Bahka: Convolvulaceae
Duulka: Xididoley
Noocyada: I. batatas
Magaca laba-geesoodka ah
Ipomoea batatas
(L.) iyo Lam.

Sonkor qadi (Af Ingiriis : sweet potato; Af Carabi : ar‎; magaca Sayniska: Ipomoea batatas) waa dhir xididoley ah oo ka mid ah noocyada kala duwan ee barandhaha taasi oo ka baxda meelo badan oo caalamka ah.[1][2] Inkastoo ay jiraan noocyo aan weli la diiwaangelin, sida caadiga ah waxaa jira ilaa sadex nooc oo sonkor qadi ah; kuwaas waxaa ka mid ah:

  • Sonkor qadi cas: noocani waa mid leh midab casaan ah, aad ugu qaab dhow Kaarootka, waxayna aad uga baxdaa wadanada Waqooyiga Ameerika.
  • Sonkor qadi cowlan': barandhada noocan ah waa mid leh muuqaalka barandhada caadiga ah, taasi oo aad uga baxda meelo badan oo qaarada Afrika ah. Noocan waxaa laga cunaa wadanka Soomaaliya; waxayna leedahay dhadhanka ugu macaan dhamaan sonkor qadiga oo dhan.
  • Sonkor qadi kuus: noocani waxay ka baxdaa inta ugu badan qaarada Aasiya waxayna aad ugu muuq iyo qaab eeg tahay barandhaha caadiga ah.


Muuqaalka wax ka badal

Qoraalo La Xidhiidha wax ka badal


Tixraac wax ka badal

  1. Purseglove, John Williams. Longman Scientific and Technical. New York: John Wiley and Sons. ISBN 978-0-582-46666-1 https://books.google.com/books/about/Tropical_Crops.html?id=rYQ_AAAAYAAJ.  Maqan ama ebar |title= (caawin)Template:Page needed
  2. Woolfe, Jennifer A. (5 March 1992). Cambridge, UK: Cambridge University Press and the International Potato Center (CIP). ISBN 9780521402958.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: