Shariif Xasan Sheekh Aadan

Wasiirka Ganacsiga wax ka badal

Ra'iisul wasaarihii cumar cabdirashiid ayaa mar u doortay shariif xassan in oo noqdo wasiirka ganacsiga taariikhda marka ee eheed Febraayo 20 keeda 2010. lkn mudo yar kadib ayaa hadane lo dhariye gudoomiyaha baarlamaanka. waxa uu ahaa nin qabiir ah oo aqoon wanaagsan uleh qaabka loo maamulo golaha baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee siyaasada. arinta kale ee layaabka noqotay ayaa ah inuu aha qof kawaaya aragsan dadka wata shahaadooyinka jaamacadaha ee dalka ama dibada wax kasoo bartay waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa qof yaqaano sida xildhibaanada caqligooda lo xado.

markii labaad ee Gudoomiye Baarlamaan wax ka badal

Shariif xassan waxaa markale loo doortay gudoomiye baarlamaan ee DKMG taariikhda marka ee eheed 25May 2010.Gudoomiyenimadiisa labaad wuxuu shariif bilaabay in oo khalalaas aad u badan ku bilaabo baarlamaanka.murankii ugu xumaa waxee dhacday taariikhda marka ee eheed Oktoobar 14 2010, waa markii la rabay in oo baarlamaanka ansixiyo ra'iisul wasaarihii cusbaa ee Maxamed farmaajo.Shariif xassan wuxuu rabay in ee xildhibaanada si qarsoodi ah ee codka ugu qaadaan,waa arin ku cusbeed baarlamaanka oo markasto wax ku ansixi jiray gacantaaga.Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa ka soo horjeestay, isla markaas neh oo meesha muran ka bilaawday.

Shirkii kambala wax ka badal

Siyaasiinta Dawladda kumeelgaar ah waxaa ka jiray khilaafaad, taasi u dhaxeeyay shariif axmed iyo shariif xassan, waxeena ku saabsaneed waqtiga oo ku egyahay kumeel gaarka iyo xiliga oo dalka galaayo doorasho madaxweyne, isla markaas neh waxaa dalka yugandha lagu qabtay shir lagu xalinaayo khilaafaadkaas. Shariif xassan wuxuu ku dhawaaqay in la diro ra'iisul wasaaraha farmaajo isla markaas neh 1 sano loogu daro Dawladda kumeel gaarka, wuxuuna la saxiixay hishiiskaas madaxweynaha shariif axmed.