Mustafa Macalin

(Waxaa laga soo toosiyay Mustafa Maxamed Macalin)

Mustafa Maxamed Macalin wuxuu ka mid ahaa duuliyaashii ugu horeeyay ee soomaaliya yeelato. Mustaf wuxuu dhashtay 15 Maarso 1943 ilaa waqtigi oo dhintay 27 Diseembar 2009.

Taariikh nololeed wax ka badal

Mustaf asigoo 17jir ah, oo noqday duuliyaasha diyaaradaha weerarka, wuxuuna ka qeebgalay ciidanka cirka ee militariga Soomaaliya. Mustaf wuxuu militariga ku jiray 1960kii ilaa 1978dii, kadibneh wuxuu isku bedelay duuliyaha diyaaradaha diyaaraha rakaabka 1979 ilaa 1991. Mustaf wuxuu ku dhashtay Muqdisho, aabihiis wuxuu ahaa dhakhtar, hooyadiis neh guri joogto. Mustaf marka oo caruur ahaa, wuxuu sawiri jiray diyaaradaha, wuxuu aad u jeclaa in oo noqdo duuliye.

Militariga wax ka badal

G/sare Duuliye sare Mustafa Maxamed Macalin oo ku dhashay Magaalada Muqdisho ee dalka soomaaliya taariikhdu markay ahayd 25/Marso/1943kii. Il Collegio

Wuxuuna ku barbaaray magaalooyinka Muqdisho (Xamar),Baydhabo, Afgooye iyo Beledweyne.1960kii ayuu dhameystay waxbarashiida Collegio Magistrale. Ka dibna wuxuu ka mid noqday Duuliyayaashii uugu horeeyey ee loo qaatay Ciidamada Cirka Soomaaliyeed. Isagoo sanadku markuu ahaa 1961kii, halkaasoo uu ka mid ahaa duuliyayaashii markaa loo diray dalka Masar. Ka dibna uu aaday waxbarashiida Akaadeemiyada Almatta iyo Furunze ee Midowga Soofiyeetiga.

Isagoo soo bartay diyaaradaha dagaalka (FIGHTER) MIG 15 iyo MIG 17. Isla markaana ku soo laabtay dalkiisa Hooyo ee Soomaaliya isagoo ah Tababare MIG 15 iyo MIG 17. Sanadku markuu ahaa 1969 wuxuu waxbarasho u aaday dalka Talyaaniga halkaasoo uu ku soo bartay diyaarada DC 3 (Dakota).

Tababarkaana wuxuu ku soo dhameystay (SCUOLA AVANZATO BASE ELICA) oo ku taala magaalada Latina ee dalka Talyaaniga. Sanadku markuu ahaa 1972kii waxaa loo diray dalka Midowga Soofiyeetiga halkaasoo uu ku soo bartay diyaarada BOMBER IL 28. 1973kii waxaa loo magacaabay taliyaha Raxanta Bomberka. Ka dibna halkaasoo loogu magacaabay taliyaha ciidanka Cirka ee gobolka Woqooyi Galbeed.

1974kii waxaa loo magacaabay Taliyaha tababarka ee Ciidamada Cirka (Hogaanka Guud).

Sanadka markuu ahaa 1975kii waxaa loo diray waxbarasho dalka Midowga soofiyeetiga halkaasoo uu wax ku baranaayey Akaadeemiyada Culuunta dagaalgelinta ee Cosmonaut ee magaalada KIEV- Ukraine ee Midowga soofiyeetiga; halkaasoo uu ku soo bartay( Master of Military of Arts ) ee habka Dagaalgelinta iyo Hogaaminta Ciidamada (Cirka , Dhulka iyo Badda); halkaasoo uu ku soo dhameystay waxbarashadiisa1977kii. Isla sanadkaa markuu yimid wuxuu ka qeyb qaatay (Qeyb libaax) ah Hoogaamintii Raxanta Bombarka - dagaalkii Xureyta gobolada Soomaali Galbeed.

Sanadku markuu ahaa 1977 ilaa 1978 wuxuu jagooyin ka soo qabtay goobo kala duwan ee Ciidamada Cirka Soomaaliyeed (Commander) Balidoogle, Gobolka waqooyi galbeed( Berbera, Hargeysa).

Sanadka markuu ahaa 1979 waxaa loo wareejiyey Sharikada diyaaradaha Somali Airlines codsi ka yimid Madaxtooyada Dalka. Halkaasoo uu ku bilaabay Duulimaadka Diyaaradaha FOKKER F27, isagoo markaa lagu qaatay Duuliye Sare- (Captain Pilot). Ka dib sanadka markuu ahaa 1982kii wuxuu waxbarasho u aaday dalka Maraykanka , Gobolka Texas, isagoo wax ka bartay American Air Academy; halkaasoo ku bartey diyaaraha rakaabka BOEING 707. Kana qaatay(FAA) shahaadooyinka sare ee dhinaca Duulimaadka (ATPL) Airline Transport Pilot License.

Sanadku markuu ahaa 1988kii wuxuu waxbarasho u tagay dalka Faransiiska Magaalada Tulouse, halkaasuu uu ku soo qaatay Tababarka Duulista Diyaaradaha AIRBUS A300-310. Wuxuuna ku duulay nooca diyaaradaa laga bilaabo 1988 ilaa iyo 1991. Sanadkii 1985 ilaa 1990kii wuxuu wax ka bartay Jaamicada Ummada Soomaaliyeed (J.U.S.) Kulliyada Qaanuunka.

Diyaaradihii uu ku duulay Gaashaanle /sare – Duuliye/ sare MUSTAFA MAXAMED MACALIN MURSAL.

  • 1. CAMHURIYA (1961)
  • 2. YAK (5/9/1962)
  • 3. MIG 15 (1963)
  • 4. MIG 17 (1963)
  • 5. YAMPIRE (4/5/1967)
  • 6. C-45 (22/8/1968)
  • 7. C-47 (4/5/1970)
  • 8. BOMBER (IL 28)
  • 9. DC3 (DAKOTA)
  • 10. FOKKER F27
  • 11. BOEING 707
  • 12. AIRBUS A300-310