Maxay Diinta ka qabtaa Anaashiidka?

Maxay Diinta ka qabtaa Anaashiidka?

Al-Callaama Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani –Eebbe ha u naxariistee- ayaa waxaa la waydiiyay: Maxay Diinta ka qabtaa Anaashiidka? iyagoo dadka qaarkiis weliba ku magacaaba: ”Anaashiid Islaami ah”. Sheekh Albaanina wuxuu ku jawaabay: Haddii Anaashiiddan ay ku jiraan erayo leh macno Islaami ah, luuqaynteedana aysan la socon wax la xiriira aaladda Miyuusikada sida durbaan i.w.m., hadduu arinku sidaas yahay wax dhibaato kuma jirto. Hase ahaatee waxaa lagama maarmaan oo shardi muhiim ah: In Anaashiidka ka maran yahay erayadiisa wax ka hor imaanaya Shareecada sida ku xadgudubka Diinta, in la baryo Eebbe waxaan ahayn i.w.m.. Sidoo kale waxaa shardi kale ah inaan laga dhigan caado, maxaa yeelay qofka dhegeysanaya waxay ka jeedinaysaa inuu akhristo Qur’aanka kariimka ama dhegeysto oo uu ku waano qaato sida Rasuulka Eebbe amaan iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee uu ku booriyay Axaaddiis fara badan oo sugan, oo uu ka mid yahay Xaddiiskan:

"اقرأوا القرآن وتغنّوا به, قبل أن يأتي أقوام يتعجّلونه, ولا يتأجّلونه, فتغنّوا به." Sidoo kalena waxay ka jeedinaysaa qofka inuu barto Diintiisa iyo inuu dadka baraba. Ma in la isticmaalo ”durbaan” uu la socdo Anaashiid waxay u banaan tahay dumarka oo kaliya xiliga lagu jiro ”Ciidda iyo Nikaaxa”. Qofkii dabagala nolosha Saxaabada -Eebbe ha ka raali ahaadee dhamaantood- wuxuu ogaanayaa inaysan ku jirin noloshooda Anaashiiddan oo kale, maxaa yeelay waxay ahaayeen dad ka run sheegaya Iimaankooda ee ma aysan ahayn dad madadaalo ku dhex jira. Waxaan ka turjumay maqaalkan kitaabka la yiraahdo ”Qaamuuska Bidacda” ee uu iska leeyahay al-Callaama Sheekh Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani.

Turjume CabdiRisaaq Maxamed Cilmi ”ina Warfaa

[ina_warfaa@hotmail.com]

[1]