Mas

xaywaan ka mid ah xamaaratada

Mas (Af-Laatiin: serpens Af Carabi : arAf-Taliyaani : serpente Af Ingiriis : serpent ama snake Amxaari: እባብ) waa xayawaan dhuuban, dheer oo duurjoog ah.

Masku waa bahal sun leh, oo ku nool carada, godadka iyo geedaha dushooda.

Masku malahan wax lugo ah, wuxuuna ku socdaa boga ama xabadka, asagoo kolba dhinac u wareejinaya.

Masasku weey kala duwan yihiin. Waxa jira masas aad u waawayn, sida maska Anakondha ee laga helo keymaha Rainforest ee qaarada Koonfur Ameerika, kaas oo qof ama xayawaan wayn liqi kara. Sidoo kale, waxaa jira masas yaryar oo carada dhexdeeda ku nool.

Masku markuu dagaalamayo wuxuu soo daayaa ama saydhiyaa candhuuf ka samaysan isku dhisyo sun ah taas oo qofka ay indhaha ka gaadho laga yaabo inuu indhool noqdo.

Intaas waxaa dheer haduu ku qaniino masku waxaa laga yaabaa in suntiisa aad u dhimato 3 daqiiqo gudaheed.

Maska sunta waxuu ka soo saydhiyaa labada mici ee ilkihiisa.

Dunidan aan ku noolnahay waxa jira deegaano maska laga cuno, sida wadano badan oo ku yaala bariga fog ee qaarada Aasiya.