Machadka Cilmibaadhista Hubkadhigista Qaramada Midoobay
- Boga "UNIDIR" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Machadka Cilmibaadhista Hubkadhigista Qaramada Midoobay (Af Ingiriis : United Nations Institute for Disarmament Research, loo soo gaabiyo: UNIDIR) waxaa aasaasay Golaha Sare Qaramada Midoobay sanadkii 1980 si ay ula xaajoodaan uguna wargeliyaan bulshada caalamka arimaha amaanka saamaynta ku leh aduunka oo dhan (ugu yaraan deegaano badan). Golaha Sare wuxuu u aqoonsaday ururka UNIDIR inuu si madaxbanaan u qabto mashruucyo cilmibaadhis la xidhiidha hubka dhigista iyo horumarinta bulshooyinka caalamka taasi oo hadafkeedu yahay ka hortega in musiibooyinka dagaalku fidaan.
Faalo Kooban wax ka badal
Ururka UNIDIR maadaama ay madaxbanaan tahay waxay si gaar ah u qabsataa shirar, cilmibaadhis iyo warbixino ku saabsan meelaha ay dabagalka ku hayaan. Goortii ururku helo warbixin cilmiyaysan oo dhamaystiran ayuu soo bandhigaa ajandaha iyo meelaha u baahan waxka qabashada.
Qoraalo La Xidhiidha wax ka badal
Ku saabsan Qaramada Midoobay wax ka badal
Linkiyo Kale wax ka badal
Tixraac wax ka badal
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |