Isbitaal
Isbitaal ama Cisbitaal (carabi مستشفى, ingiriis: Hospital) waa meel bukaanka lagu daweeyo dadka qalabka caafimaadkana uu yaalo, wuxuu u diyaarsanaan karaa in ay fariistaan dhakhaatiir, waxaa kaloo uu uu leeyahay qolal bukaanka la seexiyo kuwo lagu qalo, kuwo lagu nasto, kuwo shay baar, kuwo daawooyinka lagu kaydiyo iyo qayb gar-gaarka deg-dega loogu talo galay, wuxuu u diyaarsanaan karaa qaabilaada dad dibada ka yimid oo caafimaad doon ah.
Taariikhyahannadu waxay tixgeliyaan isbitaalladaas “mid ka mid ah guulaha waaweyn ee bulshada Islaamka ee qarniyadii dhexe.”[1]
Magaca Isbitaal wax ka badal
Jaadadka isbitaalada wax ka badal
Isbitaal guud wax ka badal
waa kan dowlada ama maamulka meel ka jira uu leeyahay dadkuna u wada simanyihiin kana qiime yar kuwa gaarka loo leeyahay
Isbitaal gaar loo leeyahay wax ka badal
waa midka qof gaari leeyhay una furan ganacsi ahaan kaasoo ahaan kara mid guud iyo mid wax gaara daweeya.
Isbitaal takhasus wax ka badal
waa isbitaalka u samaysan inuu daweeyo hal cudur sida isbitaalka indhaha, isbitaalka jajabka, iyo isbitaalka neerfaha.
Isbitaal jaamacadeed wax ka badal
waa isbitaalka dadka daaweeya una dheertahay jaamacad inuu ku dhex yaaall oo ardayduna ay wax ku barato.
Fadhi ama booqasho wax ka badal
waa meel uu dhaqtar iyo ka badan fariistaan lambarna loo goosto, wuxuuna qoraa daawada xanuunka uu ku takhasusay. meeshaan ayaa noqon karta mid ku dhextaal isbitaal weyn ama ka madax banaan.