Injir (Af Carabi : ar‎, Af Ingiriis : Louse) waa nooc ka mida cayayaanka ku dul nool noole kale, oon kaligeed taagnaan karin, waxay ku badantahay dadka maxaabiista ah ardada kuleejyada iyo qof walba oo nadaafada jirkiisu yartahay, 

Tilmaan wax ka badal

Injirtu waa madow casuus xigeen ah aad u yar dhirirkeedu gaaro 2.5 milimitir Injirta ayaa ku nool madaxa qofka ay ku jirto, ama timaha hoose iyo kilkilaha, waxay quudataa dhiiga qofkaas, midabkeeda ayaa cad marka ay yartahay, markay waynaato ayay isu badashaa kafee ama madow, waxay ledahay miciyo iyo lugo ay ku qabsato timaha, iyadoo ka badbaada badanaa shanlada timaha lagu feedhayo.

Astaamaha lagu garto  injirta wax ka badal

  • Dareen in walax ay ku dhex soconayso timaha dhexdooda.
  • Xoqida badan oo keenta in dhaawac uu maqaarka gaaro.
  • finan yaryar oo kasoo yaaca maqaarka timaha hoostooda ilaa qoorta kaasoo ah xasaasiyad uu ka qaaday dhareerka injirta.

Sawirro wax ka badal

Tixraac wax ka badal