Gacan (af-ingiriis Hand Af Carabi : ar‎ ) wadar Gacmo ama Gacno waa mid ka mid ah afata addin ee Biniaadanka waliba labada sare, halkii gacan waxay leedahay shan farood oo kala ah Faryaro, far-dhexo, faadumo, murdiso (murugsato) iyo suulka, shantaas farood oo leh dareen iyo awooda qabashada walxaha, gacanta ayaa boos wayn ugu jirta aadanaha xaga hawlaha kala duwan , halkii gacan waxay leeyahy 27 Laf. gacanta faraheeda inta aan ka eheyn suulka, waxay leeyihiin halkii far 3 laf. halka Suulku leeyahy labo laf.

Palmar and dorsal aspects of human right hand
Gacanta dadka oo la saaray raajato
Details
Xididoqaabka gacanta
NerfiyoUlnar, median, radial nerve
Identifiers
LatinManus
MeSHA01.378.800.667
NeuroNames{{{BrainInfoType}}}-{{{BrainInfoNumber}}}
Anatomical terminology
Gacan qof weyn iyo gacan qof yar
Tupaia javanica, Homo sapiens

Adeegsiga gacanta wax ka badal

gacanta ayaa loo adeegsadaa wax walboo aadanuhu qabto waxaan ka ahayn hadalka iyo socodka, labadaas xitaa way ka qayb qaataan

  • wax qabasho
  • tilmaanta walax ama hadal ama af garad

Astaanta gacanta wax ka badal

gacanta ama calaacasheeda ayaa waxaa loo adeegsadaa qaabab kala duwan markii hadba si laga dhigo, ama faraha qayb la laabo ama la fidiyo, waana wax aadanuhu ka simayahay, umad walbana ay si u taqaan afgaradna ka dhigtaan, faraha ayaa iyagana midba wax macno leh u fadhisa,

Dadka indhahaooleyaasha ah ayaa aad u adeegsada dareemada gacanta, waxayna dadka kaga badanyihiin dhinaca adeegsigiisa,

sidoo kale dadka ayaa u adeegsada gacmaha qaab wada hadal sida ay saemeeyaan dadka dhagoolada ah, waxaana jirta luuqad gacmed iskoolada dhagoolayaasha lagu barto,

Gacanta dugaaga ama naflayda aan aadanaha ahayn wax ka badal

faraha hore ayay badanka dugaagu uga egyihiin aadanaha, sida xubnaha cidiyaha, murqaha iyo lafaha, qaar baa u adeegsada dhul qodida, ama duulida, dabaasha ama orodka, shan qayb wax ka badan ma jiro dugaag walba, noocyada gacnaha nafleyda aan aadanah ahayn ayaa kala duwan, gacnta daayeerka ayaa ugu dhow tan aadanaha xaga u ekaanshaha waxaa ku xiga caana qubta ama kashiitada, digaaga gacnihisa ayaa ah baalasha,

Maahmaahyaha soomaalida ee gacani ku jirto wax ka badal

  • Af macaan, gacan macaan baa dhaanta.
  • Gacani waa miskiin. 
  • Gacantii aadan goyn karin, waa la shumiyaa
  • Maalintii intay ishaadu gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaadu gaadho.
  • Ra saddex ka oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan.
  • gacantii wax qaad dayn waysa gumud keedaa nuuxsada

naynaasaha soomaali ah oo gacan lagu sheegay wax ka badal

 
Gacan, Paolo Monti
  • gacaneey
  • gacma dheere
  • gacmo dhagax
  • gacmo weyne
  • gacmo yare
  • gacmo dadab
  • gacmo cade

Tixraac wax ka badal

Linkiyo Banaanka wax ka badal

 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: