Diig (Af Carabi : arAf-Taliyaani : gallo Af Ingiriis : cock ama rooster) waa shimbir gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Diigu waa labka digaaga, wuxuuna ka mid yahiin xoolaha dadku leeyihiin, kaas oo la cuno hilibkiisa.

Lamaane digaag ah: Diig iyo Digaagad

Digaaga kiisa lab waxaa loo yaqaanaa Diig, halka mida dhedig lagu magacaabo Digaagad.

Wakhti imika laga joogo 30 qarni (3,000) oo sano ka hor, ayaa wadanka Hindiya lagu dhaqan jirey digaaga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in wakhti intaas ka badan ka hor dadku dhaqan jirey digaaga.

Dhinaca kale, tirokoob la sameeyay sanadkii 2003da waxaa lagu ogaaday in tiro dhan 24 bilyan digaag ah ku nool yihiin daafaha dunida.