Dhiig waa dareere gaar ah oo laga helo jirka xayawaanka kaas oo qaada waxyaalaha lagama maarmaanka u ah nolosha unugyada xayawaanka sida neefta oksijiinka iyo nafaqada asagoo misana kasoo qaadaya waxyaalaha wasaqda ah si dibedda looga saaro jirka noolaha. Waxa uuna qaata 7% ee miisaanka jirka xayawaanka.


Dhiigga Waxa uu ka kooban yahay unugyada Gaduudan ama cascas, unugyada Cad, platelets ka iyo plasma, waxa uuna muhiim u yahay dhammaan noolaha sida bini'aadamka iyo xayawaanka, waxaa kaloo uu qabtaa shaqo muhiim ah sida, In uu qaado cunnada iyo neefta oksijiin iyo in uu ka saaro jirka wasaqda karboonka iyo hormoonada , waxa uu difaac siiya jirka , sido kale waxa uu sameeyaa xinjirayn marka dhiigbax yimaado si uu u joojiyo dhiigga baxaya.

Noocka wax ka badal

Waxa loo kala qaybiyaa dhiiga 2qaybood oo kala ah plasma (55%) oo ah qaybta dareeraha ah iyo qaybta unugyada ah (45%).

Qaybta unugyada ahi waxa ay kasamaysanta sadex qaybood oo unugyo ah oo kala ah ; Unugyada dhiiga ee cas cas ( Red blood cells ) , Unugyada dhiiga ee cad cad ( White blood cells ) iyo unugyada plateletska loo yaqaan.

Shaqada unugyada cas cas waa inay qaadaan oksijiinta ayagoo gaynaya unugyada kana soo qaadaya hawada wasaqaysan ee kaarboonka.

Shaqada unugyada dhiiga ee cad cad waa inay difaacaan jirka kana difaacayaan waxyaalaha dibada kaga iman ee cudurada dhalin karaya iyo inay baabi`iyaan saaraana unugyada jirka ee duqoobay ama dhintay ee gudaha jirka.

Unugyada platelets ka shaqadooda waa in ay sameeyaan xinjiraynta dhiiga markuu uu yimaado dhiig bax si ay ujoojiyaan dhiiga baxaya.

Qaybta dareeraha ah waxa ay kasamaysan tahay 92% biyo oo muhiim u ah dareerinta ama socodsiinta jirka unugyadiisa dhammaan maadaama ayna unugyada kale dareere ahayn iyo 8% iskujir kuwaasoo ay kamidyahiin protien , Glucose , iyo kuwo kale oo muhiim u ah nolosha unugyada jirka noolaha.

ҡaҡa ҡɨռɢ ҡaʟċɛ ʏaʀɛ ռɨռ ʟaʏaզaaռ Yaɦʏɛ ɖʊʊɖʊʊ

sido Kale fiiri wax ka badal

Dhiig iyo diin wax ka badal

Adduunka oo dhan kumanyaal dhakhaatiir waxay adeegsadaan farsamooyin dhiigga lagu dhawro markay qalniinka waaweyn oo dhiig shub laʼaanta ah sameynayaan. Farsamooyinkaas oo kale waxaa xitaa laga isticmaalaa waddammada soo koraya waxaanna dalbado dad badan oo Markhaatiyaasha Yehowah ka mid ahayn.[1][2][3]

Xigasho wax ka badal