Degmada Ceelcade(Af Ingiriis : El-adde, Af Carabi : عيل عده)

waa magaalo ku taala bartamaha Wadanka Soomaaliya Degmada ceelcade waxay dhacdaa waqooyiga magaalada Beledweyne Ee xarunta gobalka hiiraan waana  magaalo qadiimi ah kana tirsan Gobolka Hiiraan. Waxayna leedahay taariikh facwayn oo mug iyo miisaan leh waxayna asal  iyo astaan u leedahay in aay tahay guri gobeed oo waa Halka aay gobta ama dhaqanka jijeele xarunta u ah  magaalada ceelcade,

Sidoo kale waxay leedahy haro biyo leh ama Waadiyaal waawayn  sida qoome ,dharaaye, jiljil sidoo kale waxay leedahay faro biyo badan sida Fartiyeegleey ,Lo,jibis adoomeey biyooleey ceel rooble habar ilig intaas ka badan ayeey bulshada deegaanka biyo ka helaan waxaana dadkaas aay dhaqdaan xoollaha sida geele ,ariga iyo Loda, oo aay caan ku tahay deeganka  Ceelcade ee Gobalka Hiraan.


Waxaana lagu qiyaasaa magaalada ceelcade in aay ka mid tahay magaalooyin ugu waawayn Ee ku yaalo galbeed gobalka hiiraan waana meel istaraatiigi ah oo ganacsi badan u kala Goosho waxaana marto ganacsiga ka yimaado mogadisho oo ethopia u socdo iyo ganacsiga HIiraan iyo bakool u kala goosha.


Horudhac


Ceelcade waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu caansan ee gobalka hiiraan gar ahaan Galbeedka gobalka hiiraan , waxa ay ku taalaa Bartamaha dalka waxayna ledahay ceelal aan gurin inta badan oo bulshada deegaanka aay ku barbaxaan xiliyada adage e abaarahu dhacaan  waxayna caasimda dalka  ee magaalada mogadisho u  jirtaa masaafo dhan 262.2 Mile , Oo u dhiganta ( 422 km) sidoo kale waxaay magaallada baladwayne u jirtaa (90km) halka Degmada farlibaax aay u jirto {45km}


Magaalada ceelcade waa Magaalo Taariikh fog leh  xadaarad iyo ilbaxnimo ku caan ah waxa ay caan ku tahay inay ka soo Baxaan siyaasiyiin lagu garan ogyahay dhulka Soomaaliyeed iyo dhaqanka guud beesha jijeele,

1-     Wabar kutubow Wabar Mohamed.

2-     Wabar Hassan Wabar kutubow

3-     Wabar Geedi Wabar Hassan

4-     Islaw osmaan Sheikh Hassan Wakiilka wabarka guud beesha jijeele

5-     Xildhibaan Mohamud Wabar Hassan Wabar kutubow oo soo noqday wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowlada hirshabeele sidoo kale soo noqday  wasiirka  cadaalada iyo arimaha Garsoorka dowlad Hirshabeele

6-     Abdifitah  Abdikhaaadir Adow guure oo soo noqday wasiirka badroolka

7-     Abdinor osmaan muumin xildhibaan dowlada Hirshablle

8-     Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Baarlamaanka dowlada Hirshabeele mudane siraaji Sheikh Isaaq Abdulle. 9. Gudomiye ku xigenki hore ee Barlmanka Hirshabele: Mudane Cabdi Xusen Gaadi


Sidoo kale deegaanka  waxaa kasoo jeedo aqoonyahanada ugu badan ee Beesha jijeele, waxana ka mid ah  beela inta badan degan: ReerWabar dumaal Iyo ciise  habar wadaag yaaquub shalashamo faqay abdi Iidgsuge oo kamid ah beelaha jijeele.


Wadanka _________________Somalia

Gobolka   _________________Hiiraan

Degmada _________________Ceelcade


Qaab dhismeedka degmada Ceelcade.

1-     Gudoomiyaha degmada Isaaq Omar Iimaan.

2-     Gudoomiye kuxigeenka daauud Abdi Salaad.

3-     Xog,haya degmada Qorax.

Ceelcade waxaa dega dhamaan beelweynta jijeele.

                     Tuulooyinka Hoos yimaado.

Degmada ceelcade.

1-Xudiweyne 2- Quracle Wabar 3_Baadikeen 4_buq_Goosaar

5-Ceel rooble6_Ceelgaabta 7_Cigeey 8_wadaama laays 9_Abdi omar.

10-Cadaabane 11_ dharaaye qoome.