Cadale Magaalo Ay Dagaan Qabiilada Somaalida Lkn Ay U Xoog Badanyihiin Abgaal (cabdale caroone)iyo ( Celi Cumar galmaax ) iyagoo lagu Xudumay Degamada Maadaama Aysan Nidaamyada Kale Ee Dowlada Wax Kulaheen[1]

Adale

Cadale

Adalei;Itala
Degmo
Nickname(s): 
Cadaleey
Adale is located in Somalia
Adale
Adale
Dalka Soomaaliya
GobolShabeellaha Dhexe
DegmoCadale
Qaabilka maamulkeeda leh(Cabdale caroone)
Dowlada
 • NuucaGudomiye,G/kuxigenka Amniga iyo siyaada,G/maaliyada, G/arimaha bulshada iyo Madaxa hay'adaha samafalka.
Tirada dadka
 • Dhammaan14,600
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Cadale (Af Ingiriis : Adale) waa degmo dhacda koonfurta (Shabeellaha Dhexe) Soomaaliya. Sidoo kale waxay dhacdaa Badweynta Hindiya ee Loolka 2° 45' 35.61" 0N iyo Dhigta ah 46° 19' 22.01" 0E. Magaaladaan waxay hoosyimada Degmada Cadale (Af Soomaali : Cadale).

waa degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay ku taalaa Xeebta Badweynta Hindiya, waxayna Muqdisho dhinaca Waqooyi bari uga beegan tahay ilaa 180Km. Waxaana ku badan Celi Cumar, cabdulle galmaax wallow oo ladago cabdalle carroone.

Oo Ka degan cadale waxay ka mid tahay degmooyinka caanka ka ah Xeebaha Soomaaliya, waxayna aas'aasantay xilli hore oo aan si sax ah taariikhdeeda loo hayn. Magaca ay leedahay degmadani ee Cadale wuxuu iska saaran yahay labo eray oo gaagaaban, iyadoo midka hore yahay Caday iyo Leh, waxaana loo jeedaa goob Caday leh oo ay ka buuxaan geedaha lagu rumeysto. Cadale ka hor intii aan la aasaasin waxay ahayd goob ay ku yaalaan teendhooyin yar yar oo ay leeyihiin dadka Kalluumeysato ah oo ka shaqeysan jiray Xeebaha ku dhow dhow degmada Cadale. Cadale waxay caasimad u ahaan jirtay dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow maadaama ay ahayd magaalo weyn tan iyaga ugu dhow. Sanadkii 1307 ee Hijriyada ayaa waxaa deegaanadaas ciidamadii Talyaaniga ee gumeystaha kula dagaalamay dadka deegaanka oo uu hogaaminayay Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan (Sh. Axmed Wacdiyow), , inkastoo haddana jabhad halkaas laga aas aasay oo ka horjeedday Talyaaniga aysan muddo dheer shaqeyn oo ay mar dambe burburtay. Degmada Cadale waxay horey u ahaan jirtay magaalo ay deggan yihiin waddaado fara badan, iyadoo ka mid ah magaalooyinkii ugu masaajidyada badnaa xilliyadii hore. Dadka deegaankaasi deganaan jiray waxaa ka mid ahaa Cali Hagareey iyo Avv.Maxamed Sh.Maxamud Gebyow oo Ahaa Maskaxdii ka danbeysay Dastuurkii 60kii iyo sidoo kale waxaa kasoo jeeday wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii 60kii Kutubo xoor iyo Wasiirkii hore maaliyadda kacaankii ka hor Xaaji Cusmaan Axmed Rooble iyo  xasan  cumar Abiikar oo  AHAA 

qaaliga maxkamadda caasimaddda Mogadishu xfada hodon kadib maxkamadda shabeeladda dhexe GOBOLKA jawhar dowladdii kacaanka iyo weliba saraakiil fara badan oo ciidanka qalabka ka tirsan oo laga xusi karo Sareeye Guuto Axmed Maxamud Cadde Qoorweyne oo ka mid ahaa shantii golaha sare ee kacaanka ahaana governerkii gobolka banadir iyo mayorkii magaalada muqdisho 70tameeyadii haddii aan dib ugu noqdo Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan (Sh. Axmed Wacdiyow), wuxuu Sheekhaasi ahaa wadaad aad uga soo horjeeday imaanshihii Talyaaniga ee dalka Soomaaliya, wuxuuna isku dayey in uu si awood ah uga hortago gumeystihii Talyaaniga. Sheekh Axmed Wacdiyow oo reer Cadale ahaa waxaa jira Gabayo fara badan oo uu ka tiriyey gumeystihii Talyaaniga iyo sida uu uga soo horjeedday, waxaana ka mid ahaa gabayadiisii:

  • Soomaaliyaan u dagaalamaynaa,
  • Dalkeena ballaaran u daafacaynaa,
  • Kuwa dulmaaya la dood galaynaa,
  • Dabeylka mowdku intuu I daadihin,
  • Hilibka duud cunin deebna uu noqon,
  • Duruyadaada dab looma aasee,
  • Kuwa dambaan u dariiq falaynaa,
  • Kufriga soo dagay diidda leenahay.


Cadale waxa ay ka mid tahay degmooyinka gobolka Sh/dhexe, iyadoo hore uga mid aheyd degmooyinkii laga soo gooyey Gobolkii Benadir. Cadale waa degmo uu alle ku maneystay kheyraad fara badan sida xoolaha iyo kalluunka waxaa kale oo ay degmadu leedahay dhul beereed kooban, waxaa kale oo ay leedahay deegaan ballaaran oo aad ugu haboon dalxiiska ka sokow xoolaha aynu dhaqano waxaa ay degmadu hodan ku tahay noocyo badan oo ugaarta ka mid ah sida deerada ama damba cada oo aad u buuxdo deexda cadale.

Degmada waxaa Hoos yimaada Tuulooyinka kala ah, (Maxamed Saciid) , xaaji cali, Cadow uul, garasweyne booshareeri lamagaras kaadheerey warfaarax kalabeer Ceelmuluq, Masaajid Cali gaduud,Burdacaar,baqdaad, Geelgub, Burdheere,Wargaadhi, Bursha Sheekh, Ceel Xarar iyo kuwo kale oo badan

State Hirshabele of Somalia

Gudoomiyaha Degmada Muuse Maxamed Axmed 'Kali' Qabiilka maamula hada[2] celi cumar oo doorasho kasoo Gali jiray 1960

Cali Axmed oo loo yaqaannay 'Cali Hagarrey' ayaa ahaa xildhibaankii ugu horreeyay ee magaalada Cadale, waxa uu ku abtirsadaa beesha Celi Cumar ee Galmaax Yoonis Daanweyne.

  1. Qabiilka Maamulkeeda iska leh, Cabdale caroone halka ay dagaan celi cumar, Agoonyar iyo Warsangeli
  2. Cadale Magaalo La ilaaway