Buurtinle waa magaalo ay degenyihiin dad badan oo soomaaliyed. Waana dagmo ku taal Gobolka Nugaal waxa ayna u dhaxaysaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.Waxaana degmada mara laami.Waa magaalo qadiimi ah, dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalka Soomaaliya way ka badbaaday. Waxaa ku nool Burtinle dad gaaraya ilaa 500,000 oo qof. Guud ahaan waxaa daga qabaa'ilo kala duwan oo ay kamid yihiin beelaha cumar maxamuud sida "sida reer aadan cigalle oo daga xaafadda tinka ee magaalada Waxaana ka Dhashay aasaasihii Magaaladan Burtinle Nabadoon Cabdullaahi aadan cabdille AUN , reer horogle oo dega kambala waxaa ka dhashay fanaaniita kala ah tubeec, cumar dhuule, digfeer iyo Reer xirsi faarax oo daga xaafadda booreyda galbeed Waxaana ka dashay beeshan AUN raysulwasaarihii hore ee somalia Abdirisaaq xaaji xuseen iyo Reer Mahad faarax oo Daga booreyda bari ee magaalada Waxaana ka Dhashay Madaxwaynihii hore ee soomaaliya AUN Cabdullaahi yuusuf " sidoo kale waxaa qaybo ka daga beelaha ammaanle iyo awrtable.

Burtinle
Magaalo
Farasmagaalka Burtinle.
Burtinle is located in Somalia
Burtinle
Burtinle
Meesha ay ka dhacdo Soomaaliya.
Country Somalia
DeegaankaNugal
DegmadaBurtinle
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Taariikhda magaalada wax ka badal

Degmada ayaa ah mid soo koreesa, horumarna laga dareemayo xaga aqoonta , dhaqaalaha iyo arimaha bulshada intaba. Ayadoo ay kuyaalaan dhammaan heerarka kala duwan ee dugsiyada waxbarashada kuwaasoo gaarsiisan ilaa heer dugsi sare. dagmada waxa ay leedahay dhaqaale farabadan sababtuna waa deganada hoos yimada waana magaalo aad uwayn dadku waxay moodaan markay dhexmarayaan magaalo yar runtii dhanka laamigu kamaro kama wayna magaaladu waxay uwayntahay qorax udhaca

burtinle waxay ka kooban tahay 7 xaafadood oo kala ah : 1- Tinka dheer waa xaafadii loogu magac daray magaalada buur tin leh. 2- kaantaroolka 3- booray 4- tuulo ciise 5- xaafatul carab 6- buur karoole 7- godqol wayne iyo dhanka hoose ee magaalada oo aan magac xaafadeed lagu tilmaamin .

burtinle waxaa ku yaal laba dugsi oo sare oo ku kala baxa afka carabiga iyo englsihka dugsiga sare ee almumtada islaamic oo ah sugsigii ugu horeeyay ee sare oo laga hir galiyo magaalada burtinle . iyo dugsiga sare ee secondory burtinle waxaa ku yaal dugsiyaal hooseedyo badan sida dugsiga hoose dhexe ee Dawladda oo ah dugsigii hoose dhexe ee magaalada ugu horeeyay . sidoo kale dugsiga hose dhexe ee imaamu shaafici oo ku xiran macadka al mumtada .

magaalada qabaail ahaan waxaa daga beelaha daarood gaar ahaan . cumar maxamuud sidoo kale waxaa daga magaalada burtinle beesha madhibaan oo ayana ah beesha sedexaad marka laga reebo cumar maxamud iyo awrtable .burtinle waxay gobol ahaan raacsan tahay gobolka Nugaal . lkn dhaqaale ahaan waxay ku xiran tahay gobolka mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo .waxaa mara magaalada burtinle tog wayn oo loogu magac daray togga tima waynta .waxa uuna siimara tuulada gosal oo burtinle dhanka koonfur ka ga aadan ilaa uu ku biyo shubo mudugta dhexe (caduun) ila iyo bada hindiyamagaalada burtinle waa magaalo somali oo idili wada dagto marka laga reebo cidda deegaan ahaan u leh . waxayna ku nool yihiin si xuriyad ah aan hayb takoor lahayn .

Tixraa wax ka badal


Degmooyinka Gobolka Nugaal  
Baarwayn · Budunbuto · Burtinle · Dangorayo · Eyl · Garoowe · Qarxis · Sunajiif · Xasbahal

buurtine waxay assaasantay kahor dhismaha laamiga ah oo isku xira bosaso iyo xamar waxana asaasay laba nin oo lakala yiraahdo nabadoon Cabdullahi aadan cabdille "reer aadan " iyo khaliif xaaji"reer xirsi " iyago oo kala degay labada dhinac wadadi gacan kusamayska ahayd xiligaas