Buq Aqable Waa Degmo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan, waxeey 90-km dhanka koonfureed ka jirtaa xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, dhanka galbeedna waxeey 40-km u jirtaa Degmada Buuloburde. Degmada waxeey caan ku tahay in ay tahay Xarunta Ugaasyada Beesha [GAALJECEL SARANSAROOR

Buq Aqable

Buq Aqable

بُق اقبلي
Magaalo
Buq Aqable is located in Somalia
Buq Aqable
Buq Aqable
Meesha ka dhacdo Soomaaliya.
Dalka Somalia
GobolHiiraan
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Taariikh wax ka badal

Buq aqable waxay ka mid tahay egmooyinka ugu taariikhda dheer gobolka Hiiraan marka laga eego taariikhda ay dhisanthy iyadoo aheyd xaruntii loogaga talin jiray gobolada dhexe waqtigii gumeystaha talyaaniga heystay wadanka inta u dhaxeysay sanadihii 1927-kii illaa 1953-dii.

Dhaqaalaha iyo Waxbarashada wax ka badal

Degmada Buq Aqable dhaqaalaheeda waxuu ku tiirsanyahay ganacsiga, xoola dhaqashada iyo beeraha intaba waxaa kale o Degamda caan ku tahay iney ku hareereysanyihiin Caagag (Meelaha Biyaha Fariistaan) dadka degmada u yaqaanaan Sagaalka Caag, waxa inta dheer in webiga Shabeelle u Degmada Buq Aqable u jira 25KM, waxaa kale o Degmada ganacsigeeda ku xeran yahay magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne. Dhanka waxbarashada degmada waxaa lagu tiriyaa iney tahay meelaha fara ku tiriska ah ee xagga waxbarashada ka dhisan, marka la eego gobolka, waxeey leedahay Dugsi hoose/dhexe iyo sare ah (Mercy Primary & Secondary School), waxeey kaloo leedahay Macaahid lagu barto luqadaha iyo Diinta, waxeey caan ku tahay barashada Diinta iyo ku dhaqankeeda. dagmad buqa aqable waxeey ka koobanthy Shan xaafadood oo lagu kala magacaabo Buula Dhagaxleey, Salbarwaaqa, Buula xoog, xafada eega iyo Meyd tubaka ama loo yaqaan war moog.

Muhiimada Degmada Buq Aqable wax ka badal

Buq Aqable waa magaalo muhiim ah waxaa mara wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobalada dhexe, waxaa sidoo kale ay tahay istiraatiji dhanka wadooyinka, waxaa sidoo kale kabaxa wada si toos ah u aada Magaalada Baydhabo wadadaa o ey isticmaali jireen isticmaarkii Talyaaniga, waxaa sidoo kale eey leedahay dhuldaaq aad u weyn iyo dhul howd ah oo ey ka baxaan dhirta noocyadeeda kala duwan.Buq Aqable waa magaalo ku caan ah nabad wanaaga iyo isdhexgalka bulshada iyo waliba horumarka dhanka waxbarashada.

Sidoo kale fiiri wax ka badal

Xigasho wax ka badal

Buq Aqable waa magaalo muhiim ah waxaa mara wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobalada dhexe, waxaa sidoo kale ay tahay istiraatiji dhanka wadooyinka, waxaa sidoo kale kabaxa wada si toos ah u aada Magaalada Baydhabo wadadaa o ey isticmaali jireen isticmaarkii Talyaaniga, waxaa sidoo kale eey leedahay dhuldaaq aad u weyn iyo dhul howd ah oo ey ka baxaan dhirta noocyadeeda kala duwan.Buq Aqable waa magaalo ku caan ah nabad wanaaga iyo isdhexgalka bulshada iyo waliba horumarka dhanka waxbarashada