Coordinates: 32°32′08″N 44°25′39″E / 32.5355°N 44.4275°E / 32.5355; 44.4275

Beeraha laalaada (Af Carabi : arAf-Taliyaani : Giardini pensili di Babilonia Af Ingiriis : Hanging Gardens of Babylon) ee magaalada Baabiyloon iyo gidaarka magaalada Baabiyloon oo maanta ku beegan magaalada Al-Hillal ee dalka Ciraaq waxay ka mid ahaayeen Todobada Layaab ee dunida. Beerahan waxaa dhisay boqor Nebujadnesarkii 2aad (Nabuchodonosor II) ee boqortooyadii Baabiylooniya markii taariikhdu ahayd qiyaastii sanadkii 600 C.H, taasi oo sababtu ahayd in uu ku raali-geliyo xaaskiisa Amaytis. Beeraha laalaada waxay burubureen qarnigii 1aad C.D markii dhul gariir adag ku habsaday deegaanada magaalada Baabiyloon ee Mesobotaamiya.

Beeraha laalaada ee magaalada Baabiyloon wakhtigii maamulka Assiyriyanka.
Gidaarka weyn ee magaalada Baabiyloon.

Beeraha laalaada waxay ku beernaayeen dhinacyada webiga Furaat kuwaasi oo sudhnaa gidaar leh dhumuc 25 mitir ah.

Xaqiiqada wax ka badal

Dadka qaar muran ayay ka keeneen in Beeraha laalaada jireen ayagoo ku sheegay sheeko khiyaali ah. Si kastaba ha ahaatee, taariikhyahan u dhashay qabiilka Jaaldiin[1] oo la odhan jirey Berossus, kaasi oo ku noolaa Giriiga qarnigii 4aad C.H ayaa si fiican u sharaxay beeraha laalaada ee magaalada Baabiyloon.

Dhinaca kale, cilmibaadhis iyo dhul qodaal ay sameeyeen guuto aarkiyoolojiis ah waxaa lagu ogaaday in beeraha laalaada si dhab ah u jireen wakhtiyadii ay dhisnayd magaalada Baabiyloon.

Xigasho wax ka badal


  1. The Hanging Gardens of Babylon: the mysterious wonder of the ancient world. article by Robin Fowler [where?]